Afar Qalad Oo Sii Xoojiya Dhibaatada Halka Ay Xalka Ka Keeni Lahaayeen

Afar Qalad Oo Sii Xoojiya Dhibaatada Halka Ay Xalka Ka Keeni Lahaayeen

Qofka bani`aadanka ayaa waxa uu wajahaa dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah waxa ayna arimahaas dhaamadaan marka uu qofka uu helo xal wanaagsan haddii kale waa ay sii xoogeystaan haddii aan si sax ah loo wajahin .

Hadaba warbxintaan waxaan ku soo qaadaneynaa dhowr dabeecad oo sii xoojiya mugga dhibaatada .

* In aad sameyso mar-marsiyo: dadka qaarkii ayaa aaminsan in mar-marsiyo iyo cudur daar loo sameeyo qaldaadka iyo mashaakilaadka ay galayaan in ay yareyneyso dhibaatada ayna soo afjareyso balse xaqiiqda waxa ay leedahay mar-marsiyada uu qofka bani`aadamka u sameeyo qaladaadkiisa ay sii xoojineyso dhibataada ayna sii kordhineyso , hadaba qirashada qaladka iyo cadeyntiisa ayaa ah wadada kaliya ee xalka u ah dhibaatada loogana hor tagi karo in mar kale in uu qofka ku dhaco .

*In aad ka fogaato asalka dhibatada meesha ay ka timid : dad badan ayaa ku fiicneyn sida loola macaamilo dhibaatooyinka , dad badan ayaa u haysta in ay waqti lumis tahay walibana awoodin in ay turxaan bixiyaan asaaska dhibaatada kaliyana waxa ay ku cararaan in ay xal u raadiyan natiijada dhibatada taasina xaalka ayay sii xumeyn kartaa , sidaa darteed haddii aad dooneyso in aad xaliso mushkilad waxaa qasab kugu ah in aad diiradda asalka dhibaatada ay ka timid ma aha natiijada ay abuurtay taasina waxa ay kaa hor istaageysaa in mar kale mushkiladdaas ay dhacdo .

* In aad awood u yeelan wayso in aad xadidato waqtiga munaasibka ku ah xalinta dhibaatada: haddii aad awooddo in aad cayiman karto waqtiga ku haboon xalinta mushkilad waa wadada ugu wacan ee lagu xalin karo loogana taqalusi karo , waxaana xusid mudan in dhibaatada u kala qeybsanto labo nooc oo kala ah mid u baahan fara gilin iyo xal deg deg ah iyo mid u baahan in aan lagu deg degin lana sugo waqti yar ka hor inta aan la wajahin balse haddii aadan awoodin in aad xadidto waqtiga ku haboon xalinta dhibaato hadaba waxa ay taasi ka qeyb qaadaneysaa in ay sii balaarto dhibaatada .

*Dabacsanaan la`aan : dabacsanaanta waxa ay door weyn ka ciyaartaa xalinta dhibaatada waliba ay ka hor tagtaa in ay sii balaarto , madax adeegga qofka iyo diididda tanaasulka waxa ay taasi sii balaarineysaa dhibaatada waxaana ka dhalaneysa natiijo aan wanaagsan .

Share this post

One thought on “Afar Qalad Oo Sii Xoojiya Dhibaatada Halka Ay Xalka Ka Keeni Lahaayeen

Post Comment