Hrithik Roshan Oo Fariin Dareen Xambaarsan U Soo Diray Xaaskiisa Hore Ee Sussanne Khan.

Hrithik Roshan Oo Fariin Dareen Xambaarsan U Soo Diray Xaaskiisa Hore Ee Sussanne Khan.

Jilaaga caanka ah ee Hrithik Roshan iyo Gacalisadiisa hore Sussanne Khan ayaa inta badan wada qaata waqtiyo kala duwan oo dalxiis ah waxaana u sabab ah caruurta ay dhaleen  , laakiin lamaaniyaasha mar hore ayay ku kala tageen wadajirka nolosha.

Muddo hadda laga joogo sanad iyo bar ayay maxkamad tageen Sussanne Khan iyo Hrithik , laakiin si walba xiriirkooda waa uu kala go’i waayay maxaa yeelay waxaa ku xariira laba caruur oo ay dhaleen kuwaas oo uu aad u jecel yahay Hrithik Roshan inuu la kulmo.

Waxaa dhacday in todobaadkaan dalxiis la geeyo markale caruuta , sidoo kale qooyska ayaa si guud casho u wada sameeystay , waxayna tageen meel soo jiidasho una dhow xeeb weliba xilli gabal dhicii.

Dhamaadka dalxiisakaas Hrithik Roshan ayaa soo qoray fariin qiiro oo uga mahadcelinayo xaaskiisa hore iyo caruuurtiisa iyo waqtiga ay wada qaateen , sidoo kale waxaa laga dareemayaa inuuu u baahan yahay inay iskusoo laabtaan, waxay fariinta u qorneeyd sidaan.

‘’Waa Susana , Saaxibadeyda ugu dhow, (Si lamid ah xaaskeyga hore, ) waxayna sawireysaa aniga iyo caruurteyda, isla xilligaas iyadane way nala jirtaa, waxay iiga sheekeysey sheeko naxriis badan oo ku saabsan caruurteena, Aduunyada ayaa naka geeysey oo kala aragti rogtay fikradaha, waxaase macquul ah inaan dib u mudoowno (isku imaano markale).

Qoraalkaas qiirada leh ayuu Hrithik Roshan soo dhigay bartiisa Instagram-ka, waxaana ka muuqday qoraalka hadalo oo ku muujinayo inuu u baahan yahay caruurtiisa iyo xaaskiisa hore.

Labadaan Lamaane ayaa nolosha wadaagay sanadkii 2014 , balse nasiib daro seddex sano kadib waxay awoodi waayeen inay wada noolaadaan waxayna go’aansadeen in ay nolosha ku kala tagaan, balse hadda waa saaxiibo caadi ah.

Share this post

Post Comment