Shaahid Kapoor Oo Markii Ugu Horeeysey Soo Bandhigay Muuqaalka Uu Ku Jilidoono Filimka Kabir Singh

Shaahid Kapoor Oo Markii Ugu Horeeysey Soo Bandhigay Muuqaalka Uu Ku Jilidoono Filimka Kabir Singh

Shaahid Kapoor ayaa isku diyaarinaya mid kamid ah filimadiisa ugu sameeynta badan saaxada Bollywood-ka, wuxuuna doonayaa jilaagaan inuu la dagaalamo jilaayaal badan oo dhamaadka sanadkaan iyo bilowga sanadka cusub kasoo muuqan doona shaashadaha Bollywood-ka.

Aktarkaan ayaa soo bandhigay kaartada koowaad ee filimkiisa cusub ee Kabir Singh, wuxuuna qorshaha uu yahay in filimkaan la daawado bartamaha sanadka cusub ee 2019-ka

Waxaa la saadaalinayaa in Director Sandeep Vanga filimkaan qorshe ahaan uu ka damacsan yahay in dhanka Box Office-ka uu noqdo midka ugu saameeynta badan sanadka soo socda , inkastoo xilligaas ay saaran yihiin filimaan kale oo saameeyn leh.

Si uu xiiso ahaan filimka uu u noqdo mid la wada suga jilaagaan ayaa bartiisa bulshada kusoo shaaciyey muuqaalka uu ku jilidoono filimkaas , wuxuuna ahaan sawir dareen ahaan hadlaya.

 

View this post on Instagram

 

On set. #kabirsingh

A post shared by Shahid Kapoor (@shahidkapoor) on

 

Xaqiiqda marka laga hadlo dareen ahaan filimkaan wuxuu u muuqdaa inuu soo jiidan doono dad badan , laakiin waxaan la ogeyn in sheekada  filimka ay ku qancidoonaan daawadiyaasha.

Shahid Kapoor waxaa filimkaan la jilidoonta Atariishada lagu magacaabo Kaira Advani , wuxuuna qorshaha yahay in jilaayaal kale oo caan ah kasoo dhex muuqdaan.

Share this post

Post Comment