Aktrada Caanka Ah Ee Kareena Kapoor Iyo Priyanka Chopra Oo Markii Ugu Horaysay Shaqo Ku Wada Kulmaya, Maxay Qabanayaan?

Aktrada Caanka Ah Ee Kareena Kapoor Iyo Priyanka Chopra Oo Markii Ugu Horaysay Shaqo Ku Wada Kulmaya, Maxay Qabanayaan?

Aktarada caanka ah ee Kareena Kapoor Iyo Priyanka Chopra ay markii ugu horaysay ku kulmi doonaan barnaamijka caanka ah ee Koffee With Karan ee uu daadihiyo Karan Johar sida laga soo xigtay wargayska Hindustan Times.

Kareena Kapoor Iyo Priyanka Chopra ayaa ogolaaday in ay ka qayb qaataan barnaamijkan wakhti dhaw sida laga soo xigtay wargayska Hindustan Times.

Wargayska ayaa sheegay in Aktrada Priyanka Chopra dhamaystirtay dhawaan duubista filim-ka The Sky Is Pink ee la filayo in laga soo daayo Hindiya 4 bisha July ee sanadka 2019.

Qisada filimka ayaa ah qoys Hindi ah oo loogu magaca daray gabadha “Aisha Chaudhary” taas oo ku dhibaatoonaysa xanuun daran oo ilaa yaraanteedii hayay.

Wargayska ayaa sheegaya in Aktarada “Zaira Wasim” ay matali doonto doorka “Aisha Chaudhary” halka uu fanaanka Farhan Khan iyo Priyanka Chopra matali doonaan waalidkood kuwaas oo wajihi doona dhibaatooyin badan noloshooda.

Filim-ka ayaa sii dayn doonaa 6 bisha July sanadka 2019 halka uu filimkan yahay midkii 2-aad ee ay iska caawiyeen Farhan Khan iyo Priyanka Chopra kadib markii ay horay u wada mataleen filimka Dil Dhadakne Do kaas oo la daawaday sanadkii 2015.

Share this post

Post Comment