Malaika Arora Oo Sameeysay Fal Sii Xoojinaya Xanta Ah In Uu Xariir Jaceyl Kala Dhaxeeyo Arjun Kapoor

Malaika Arora Oo Sameeysay Fal Sii Xoojinaya Xanta Ah In Uu Xariir Jaceyl Kala Dhaxeeyo Arjun Kapoor

Malaika Arora ayaa mashquulisay baraha bulshada ka dib badal yar oo ay ku sameeysay Prifile-keeda Instagram-ka

Malaika Arora ayaa Profile-keeda ka saartay magaca Khan waxaana la ogsoon yahay in aktaradaan ay is qabeen aktarka Arbaaz Khan kaasi oo ay ka tageen sanadkii 2017-ka .

Aktradaan quruxda la duqoowday ee 45 sano jirka ah ayaa soo dhigtay sidoo kale Instgram-keeda sawirkeeda iyadoo xeran katiinad ay ku sawiran tahay xarafyada AM waxa ayna taasi sii xoojisay wararkii suuqa ku jiray ee ahaa in ay isla socdaan Arjun Kapoor

Waxa ay dadka kala socda baraha bulsahada labadaas xaraf ku micneeyeen in laga soo qaatay xarafka ugu horeeya magaca Arjun Kapoor iyo xarafka ugu horeeya magaca Malaika Arora balse kuwo kale ayaa ku micneeyay in ay ka soo gaabisay labada xaraf ee magaceeda ee Malaika iyo Arora

Labadaan aktar ayaa mudooyinkaan la arkaa iyaga oo wada socda waxaana ugu dambeeysay oo lagu arkay barnaamijka India’s Got Talent oo ay Malika ka mid tahay gudiga barnaamijkaas

Arjun Kapoor oo mar wax laga weydiiyay isla socodka aktaradaas oo sii xoogeysnaya ayuu diiday in uu beeniyo ama uu rumeeyo in uu ka dhaxeeyo xariir jaceyl .

Share this post

One thought on “Malaika Arora Oo Sameeysay Fal Sii Xoojinaya Xanta Ah In Uu Xariir Jaceyl Kala Dhaxeeyo Arjun Kapoor

Post Comment