Meryem Uzerli Oo Erkan Petekkaya Iyo Deniz Çakır Kula Biireysa Musalsalkooda Cusub Ee Vurgun

Meryem Uzerli Oo Erkan Petekkaya Iyo Deniz Çakır Kula Biireysa Musalsalkooda Cusub Ee Vurgun

Saxaafadda Turkiga ayaa qoreysa in aktaradda reer Turki ee Meryem Uzerli ay heshay dalab ay ugu biireyso musasalka Vurgun ee ay wadaan Erkan Petekkaya iyo aktaradda kale ee Deniz Çakır .

Waxa ay ilo xogaal ah sheegayaan in Meryem ay si rasmi ah u ogalaatay dalabkaas loo soo soo jeediyay , illaa haatan lama helin xogta qisada musasalkaan .

Waxa ay shabakada caashaqa.com xuseysaa in Meryem Uzerli ay horay Deniz Cakir kala qeyb qaadatay musasalkii Magnificent Century (Xareem Suldaan) kaasi oo biloowday January 5,2011 isla markaana dhamaaday June 11,2014

Sidoo kale waxa ay kala qeyb gashay musasalkii kale Eşkıya Dünyaya Hükümdar Olmaz kaasi oo qeybtiisii ugu horeeysay la daawaday Septmeber 8 ,2015-kii .

Waxa ayna xilligaas ciyaareysay doorka baasasad Russia ah balse ugu dambeyn waa laga saaray sabab uu soo saarihii musasalkaas ku sheegay ceebo iyo dhibaatooyin shaqsiyadeed oo wahahay Meryem .

Waxa ayna arimahaan imaanayaan xilli Meryem ay dhameysay duubista filimkeeda cusub ee Kovan kaasi oo soo baxaya bartamaha sanadkaan

Share this post

Post Comment