Salman Khan Noqday Aktarka Ugu Lacagta Badan India Sanadka 2018-ka Yaa Ku Xiga , Yaase Dhanka Atiiriishooyinka Ugu Sareeya?

Salman Khan Noqday Aktarka Ugu Lacagta Badan India Sanadka 2018-ka Yaa Ku Xiga , Yaase Dhanka Atiiriishooyinka Ugu Sareeya?

Salman Khan ayaa ayaa mar kale ugu sareeya liiska boqolka aktar reer India ee ugu msuhaarka badan , waxaan qiimeyntaas sameysay majaladda Forbes ee dalkaas Hindiya

Waa sanadkii 3-aad ee isku xiga ee uu Salman Khan booska koowaad ka soo galayo aktarada ugu lacagta badan dalkaas

Waxa booska labaad galay Akshay Kumar halka Shah Rukh Khan oo sanadkii hore ku jiray booska labaad uu u dhaadhacay booska 13-aad

Booska 4-aad waxaa xeratay Deepika Padukone waxa ayna sidaas ku noqoneysaa aktarada ugu lacagta badan dhanka atariishooyinka India ee sanadkana sii dhamanaya.

Qiimeynta Forbes ayaa ka soo bilaabaneysa 1-da October ee sandkii 2017 illaa 30-kii September ee sanadkaan waxa

Waxa ay majaladaan xustay in lacagta uu haysto Salman Khan ay gaareyso 253.25 lacagta Hindiya oo u dhiganta 35.692 milyan oo dollar .

Waxa ay shabakadda Caashaqa.com soo xiganeysaa in Salman Khan uu dakhli wacan ka sameeyay filimadiisa guuleystay ee Tiger Zinda Hai iyo Race 3 waxaana u sii dheer barnaamiyada caanka ah ee uu ka soo muuqday sida Dus Ka Dum iyo iyo Big Boss .

Akshay Kumar waxa uu haystaa ayay dhaheen 26.073 milyan oo dolar waxa uuna si wacan uga faa`iday Filimadiisa Padman iyo Gold

Deepika Padukone ayaa iyada noqoneysaa aktaradii ugu horeeysay oo shanta boos ee ugu sareeya soo gasha tan iyo markii la soo saaray nuqulkii ugu horeeyay ee qiimeynta hantida aktarada reer Hindiya ee sanadkii 2012-kii

Share this post

Post Comment