Dhaawacyada Qaar Ee Qalbiga Gaara Kuma Bogsadaan Iga Raali Noqo

Dhaawacyada qaar ee qalbiga gaara kuma bogsadaan iga raali noqo iyo waan qaldanaa Balse waxaa bogsiin kara wanaagii hore hore oo dib loo xasuusiyo

Waxaa kugu dhacaaya dhaawac qofna inaad ugu sheekeyso waa ay ku dhibeysaa balse qalbigaaga markasta waxa uu arkayaa xumaantii loo geystay

Qofka aad fahmi weyso mudo badanna aad ka daba carareysay kuuna sheegaayay inuu ku jecelyahay asiga oo waxba qalbiga kuugu heynin.

Marka hore ka xanaaji waxaadna dhahdaa wax aadan waligaa dhihin kadib waxaad arkeysaa mudo yar inuu kaaga fogaado waayo haddii uu qalbiga jiri lahaa jaceylkiisa waxa uu ku weydiin lahaa waxa aad hadaladaas u dhahday iyo waxa ku kalifay ee kuma dhihi laheyn iga raali noqo

Waqtiyada qaar waxaad arkeysaa qof aan ku rabin waliba aan jecleyn inaad farxad la qaadato hadana ku dhahaaya anigaa farxad ku siinaaya wehelna kuu noqonaaya Balse markii aad dadka oo idil ugu soo go,do ayuu ku dhahaaya waan mashquulay waqti kuuma heli karo

Muhiimada waa in leys qadariyaa leyskana fahmaa qalbiga waxba masoo kordhineyso hadal iyo in wax leysku sheego kaliya qofka ku jecel waxaad ku garan kartaa markii uu xanaaqo hadalka makaaga soo jawaabi karo waayo carada ku jirto ayuu diidanyahay inuu kuu muujiyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*