Fariin Calaacal Ah Sidaan Ku Balannay Waad Iska Badashay Balse Hal Arin Ogoow

Ma aqaan hadalkeyga waxa aan ku bilaabo balse waxaan ku dhahayaa hadal dhabta ka hadlaaya qalbigana dhibaaya dhaawacna kugu reebaaya

Waxaan ahayn kuwa nafta ka dhaxeyso qalbigana iska fahma ,Waxaan ahayn kuwa dhaawaca isla dareema dhibtana wada qeybsada

Sida aad jeclaatay oo ah inaan kala weecano waqtigana kala qaadano,aniga runta markii aan ka hadlo taas aad ayay ii dhibeysaa balse waxaa iiga sii daran markii aad ii dhoola caddeyso adigoo waxba ii qabaneynin.

Waxaan ogaaday hal dhinac in uu jaceylkeena ahaay waayo aniga uunbaa dhisaayay hadana aniga uunbaa la iga rabaa inaan dhiso balse qofka ilaa heer ayaa la jeclaan karaa kidibna waxaa haboon in nafta laga reebto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*