Fariin Qalbiga Ka Soo Go`day Ismoogeysiintu Waa Waxa Kaliya Ee Xariirka Baabi`in Kara

Qalbigeygiyow maxaad sameysay?!! waad jeclaatay si aan qof kale horay ugu jeclaan oo kale
waad la xanuusatay waliba adiga oo aan laguu ogeyn 

Farxad ayaa ka dhigan jirtay kulankeeda waliba adiga oo fursad laguu heli karin,Saaxib qalbiga ka jecel inaa tahay ayaad u sheegtay

Wax kasta ay kugu sameyso waligaa xumaan umaadan fahmin,Waxaad isku dayday inaad wehel ka dhigato Balse maxaa laguugu sameeyay ii sheeg qalbigeygiyow???

Waxaa abaal la iiga dhigay inaan ahay daneyste ,Waxaa jaceylkeyga loo fahmay si qaldan ,waxaan noqday qof kaligiis xanuunsada cidlana looga taga.

Xataa waxaan noqon waayay saaxibka ugu fiican ee nolosha, balse aniga hadda waxaan fahmay in uusan jirin qof la aamini karo waayo waxaan ahaa iyo hadda waxa aan ahay ayaa aad u kala fog

Ogoow abaal ruux kuu galay haddii aad iska moogeysiiso waxaad dareemi doontaa markii aad weyso qof aad ilintaada ku qarsato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*