Goos-gooska Mission Mangal Oo La Soo Bandhigay , Akshay Ayaa Wada , Maxayna Tahay Qisada Filinkaan

Inaba caadi ma ahan goos gooska dhameestiran ee laga soo bandhigay filimka weyn Mission Mangal oo tiyaatarada la saarayo maalinta xurnimada Hindiya kuna beegan 15 Aug 2019 waxaana wada jilayaan Vidya Balan, Taapsee Pannu, Kriti Kulhari, Sonakshi Sinha, Sharman Joshi, Nithya Menen, Dilip Tahil iyo Jagan Shakti.

Filimka Mission Mangal oo uu Director ka yahay Jagan Shakti ayaa ku saleysan yoolkii seynisyahaniinta Hindiya dagsadeen 2013 oo ahaa in meeraha Maaris la tago sidoo kalana loolanka dayax gacmeedka iyo maamulka Satellite-ka dunida hogaankiisa wax ka qabtaan.

Waxaana kooxdaan hogaaminayaan Rakesh Dhawan (Akshay Kumar) iyo Tara Shinde (Vidya Balan) oo dhisanayaan koox karti badan sidii loogu guuleysan lahaa in dayax gacmeed hormarsan u diri lahaayeen balse waxay la kulmayaan caqabado gudaha iyo banaanka Hindiya.

Goos gooska laga soo bandhigay filimkan weyn waxa ay ka dhigan tahay wixii laga filayay wax ka weyn inuu Akshay Kumar la imaaday waxaana lagu kalsoon yahay in isku dhaca weyn jiri doono 15-ka August marnaba Kumar guuldaro qaadan doonin waxayna hardami doonaan John Abraham oo wato filimka Batla House halka Prabhas filimkiisa Saaho la isla dhex maraayo in dib loo dhigi doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska saameyn xoogan xambaarsan ee filimka Mission Mangal udub dhexaadna u yahay Akshay Kumar sidoo kalena jilaayaasha kale mid walbo doorkiisa ama saameyntiisa muuqato:

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*