U Gaar Ragga : Erayo Sixir Ah Oo Aad Qalbiga Haweenka Ku Jiiri Kartid .

Qoysas badan ayaa ka sheegta is fahan la`aan waxaana taasi u sabab ah iyadoo gurigaas uu ka maqan yahay erayada kalgaceyl ee maalin laha ah hadaba talooyinkaan waa ku muhiim .
1- Ii sheeg waxa kaa careysiinaya : rag badan ayaan garaneyn in haweeneyda u baahan tahay in ninkeeda uga sheekeyso dareemaheeda iyo waxa ka careysiinaya balse mararka qaar ma heleyso nin ku dhiira giliya in ay soo qufto arimahaas ee ninyahoow sii lamaantaada fursad ay dareemaheeda kugu muujiso .
2- Markii ugu horeeysay ee aan ku arkay jaceylkaada ayaan la soo dhacay : waa eray sixir ah oo qalbiga lamaantaada qaboojinaya , waxa ay Caashaqa.om ku leedahay haddii rag badan ogaan lahaayeen faa`idada eraygaas sida daawo oo kale ayay ugu quudin lahaayeen lamanayaashooda.
3- Ma awoodo in aan kaa maarmo : erayagaan haweenka waa ay ka helaan waana adaga tahay in xasuusteeda ay ka baxdo inkastoo ninka uu iloobo.
4- Waan ka xumahay : waa eray ay haweeneyda ku riyooto marka ninkeeda uu ka qaldamo , waxa ayna tani dareensiineysaa in uu tix gilinayo dareemaheeda isla markaana ka xishooneyn qirashada qaladkii uu ka galay ,waxa ayna tani dareensiineysaa in ay tahay qeyb muhiim ah oo noloshaada ka mid ah
5- Ma filaneyn in aan helayo xaas kaa fiican : tani jaceyl iyo naxariis oo ay sii dheer tahay qadarin ayay ka dhar jineysaa , waxa ay dareensiineysaa in haweenka oo idil ay wax dheer tahay uuna ka door biday , waxa ayna qalbiga gilineysaa in ay tahay boqoradda qalbigiisa .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*