Waxaad Noqotay Bilaa Naxariis Kaliya Dantiisa Yaqaan Balse Maalin Ayaad Ogaan Doontaa

Waxaad noqotay qof bilaa naxariis ah dantiisa uun yaqaan waxaad tahay qof wanaaga aasa xumaantana qalbiga iskaga heysta
Waligaa maku fikirtay in aan ahay qof adiga si dhab ah kuu jecel

Waligaa maku fikirtay sida aan waqtigeyga kuugu hurayay in ay ahayd mid aan wax lagu qiyaaso laheyn
Ruuxa aasa wanaaga marbuu dareemi doonaa

Fariin kasta aan qoro waan tirtiraa hadana markii aan tirtiro waan ka shallaayaa sababtana waxa ay tahay in aad tahay qof qalbiga saameen balaaran ku leh

Cidladeyda igu daa adigaa dadka iga reebay iguna dhahay kuma cidleynayo balse maanta sida aan dareemayo waxaan ahay qof qaldan jaceylkana waxba ka garaneynin waliba adiga marar badan kugu xad gudbay marka aan is cafino koley wax naxariis ah agtaada iima taalee

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*