Fariin Ku Haboon Jaceylkaadii Hore : Sidaad Doonto II Fahan”

Waan ku jeclaa aniga balse hada kuma jecli ,Waan kuu farxi jiray aniga balse hadda maya,Waxaad sameysay inaan kuu sheego ma ahan iyo in aan ku fahansiiyo waayo waqtiga ayaa wax kasta isku keena kalana geeya

Wey jirtaa inaan waqti isla qaadan jirnay waa ay jirtaa inaad aheyd qof aan ku faano ,Wey jirtaa inaad garab isiin jirtay,Wey jirtaa inaad wehel iska dhigan jirnay balse hada waxaas oo dhan wey dhamaadeen waxayna isku badaleen wax aan iloobay.

Mid makuu sheegaa aniga waxaan helay qof adiga kaa wanagsan waayo waxaad mararka qaar i dhihi jirtay hadal qalbiga aan ka dhibsanaayo mana kula hadli karin waayo anigaa horay kuu dhahay waxaad doonto waad i dhihi kartaa

Marka waqti badan ayaan la xanuunsanaayay sida aan adiga kaaga hari lahaa habeeno badan ayaan iska oynaayay,Waxaana go,aan ku gaaray in aanan mar kale adiga waqti kula qaadan maadaama aan ahay qof aan waxba kaa diidi karin

Jaceylka aan waqtiga badan soo wadnay hada waan ilobay waxaana heystaa qof aanan ii ogoleyn iney dhaga heyga maqlaan wax yar oo i dhibaaya marka sooma haboona inad iga harto waan kuu duceyn lahaa

“””””””””Kasbashada qalbiga dadka qaar qalad ayay u fahmeen”””””””

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*