Fariimo Jacayl Oo Aad Ku Kasban Karto Gacalisadaad, Waa Kuwo Cajiib Ah

Hadii aad hesho gabadh khaas ah oo dhamaystirta noloshaada waxa muhiim ah in aad jacaylkaaga aad u qabto ku cabirto Kalmado ka soo baxay qalbigaaga.

Dumarka qaarkood ayaa Kalmadaha jacaylka ah ee ka soo baxa Qalbiga gacaliyeheeda ka jecel dahabka una arka kuwo uga fiican hadyad aad u keeni lahayd.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa kalmado jacayl ah oo aad gacalisadaada ugu cabiri karto jacaylka aad u qabto.

♥ Galiso, Waxa aad noloshayda ka buuxisay Iftiin, waxa aan ku faraxsanahay in aad dhankayga tahay, Aad ayaan kuu jecelahay.

♥ Ila daqiiqadii ay indhaygu ku qabteen, waxa aan ogaaday in aad tahay qofka kaliya ee aan doonayo in aan nolosha la wadaago, waxa aan jecelahay wax walba oo adiga ah.

♥ Waan ku garab istaagi doonaa wakhtiga fiican iyo wakhiga xuna sababta oo ah waan ku jecelahay.

♥ La kulankii aan kula kulmay ayaa ah goos-gooska noloshayda, waxa aan maalinta oo dhan ku mashquusalanahay sidii aan u heli lahaa wado aan kugu sii jeclaan lahaa.

♥ Quruxdaada ayaa i dhamaystirta, Kaftankaaga ayaa wajigayga farxad ka muujiya, dadnimadaad ayaa igu qasabta in aan kuu mahad celiyo, waan ku mahadsantahay in aad intaas oo dhan ii tahay ma jirto wax intaas ka badan oo aan ku waydiisan lahaa.

♥ Ma jirto qof kale oo adduunkan ku nool oo aan jeclaan lahaa in aan la qaato inta ka dhiman noloshaysa oo aan adiga ahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*