Sidee Ayaa Uga Bixi Kartaa Casbsiga Kulanka Sariirta?

Maxaa dhici doona habeenkan?, Miyaan qancin doonaa lamaanahayga? sidee Ayuu noqon doonaa qaabka jidhkayg? Waxa aan qabaa weyn oo ku aadan Habeenkan, dhamaan su,aalahaas ayaa ka guuxaya madaxaaga habeenka Aarooskaaga ka hor inta aanad aadin sariirta adiga oo ka sii cabsi qaba waxa ka dhici doona sariirta mada aad aado gurigaaga.

Sidaas darteed waxa aan kaa caawin doonaa dhawr fikir oo kaa caawin doona in aad iska saarto cabsida habeenk Arooskaaga ee Kulanka Sariirta.

*: Danaynta jidhkaaga ayaa xoojinaysa kalsoonida aad ku qabto Naftaada sidaas darteed muhiimada sii sidii aad u dhisi lahayd ama u daryeeli lahayd jidhkaaga ka hor arooskaaga waana in aad si fiican uga fiirsato ceebaha uu leeyahay jidhkaagu sababta oo ah waxa laga yaabaa in uuna jeclaysan ama aysan jeclaysan lamaanahaaga kale.

*: Kadib marka uu aroosku dhamaado ee aad kali isku noqotaan isku day in aad wada yeelataan sheekooyin jacayl adiga oo cabaya sharaab ku qaboojiya waliba dajiya qalbigaaga ka hor kulanka sariirta taas oo kaa caawin karta in ay kaa baxdo baqdinta aad qabto.

*: jawi uu jacayl ku dheehan yahay ayaa door weyn ka qaadan karta in ay ku dajiso waliba ku ilowsiiso wax cabsi ah oo aad qabto sidaas darteed isku day in aad diyaarsato ubaxyo iyo waliba adiga oo shidanaya shamac iyo waliba cadaro udug badan oo aad ku shubto qolkaaga gaarka ah taas oo kuu muujinaysa jacaylka idinka dhexeeya labadiina.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*