Sidee Ayaad Ku Ogaan Kartaa In Gacaliyahaagu/Gacalisadaadu Ku Jeceshahay Adiga Oo Su,aalahan Waydiinaya?

Xidhiidhka Jacaylka ee guulaysta waa midka ay labada shaqsi is dhaafsadaan dareen jacayl sidaas darteed waxa laga yaabaa in aad mar walba is waydiiso miyo ku jecelyahay ama miyay ku jeceshahay taas oo mar walba ah su,aal ku jirta qalbiga lamaanaha is jecel.

Hadaba waxa jirta su,aalo kuu cadaynaya ama kaaga jawaabaya su,aasha ah in gacaliyahaagu ku jecelyahay ama gacalisasaadu ku jeceshahay taas oo ah in aad waydiiso mararka qaar.

Laakiin waa in aad doorato wakhti ku munaasib ah su,aalaha si aad u hesho jawaabta ku jirta qalbiga gacaliyahaaga ama gacalisadaada taas oo kaga jawaabaysa su,aashaada.

Hadaba halkan kaga bogo su,aalaha aad ku ogaan karto in gacaliyahaaga ama gacalisadaadu ku jeceshahay.

-Arintan ma ii qaban kartaa mana kugu haleeyaa…?

-Miyaad ii xiistay?.

-Maxaad aniga ii dooratay?

-Sideed u aragtaa mustaqbalkeena wada jira?

-Goorma ayay ahayd markii aad sida xoogan iiga masayrtay?.

-Sid dhab ah ma ii jeceshahay?

-Ma leeyahay sifooyinkii aad gaba aad rabto ka doonaysay?

-Horay been ma iigu sheegtay?

-Agtayda raaxo ma ku dareemaysaa?

-Aniga ma iga fikirtaa?

-Qoyskayga ma jecesahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*