U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Gacalisadaadu Waligaa Ku iloobin Waliba Yeelato Indho Aan Adiga Ahayn, Wadadan Raac

Jacaylka waa waxa kaliya ee uuna qof awood u lahayn in uu maamulo, marka uu ku haleelo ama ku soo weeraro jacayl, wax awood ah uma lihid in aad maamusho.

Waxa aad samaynaysaa wax walba oo farxad galinaya gabadha aad jeceshahay wadooyinka jacaylkaaga loogu soo bandhigo waliba lagu hantiyo qalbiga gacalisadaada ayaa ah adeegsiga kalmado cajiib ah oo fiican kuwaas oo ay ku jirto amaan iyo waliba in aad u muujiso sida aad u jeceshay.

Amaanta iyo hadalada dabcan ee uu ku dheehan yahay jacaylku ayaa ah kuwo si fiican u daga qalbiga gabadha.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo kalmado macaan oo aad ku soo jiidan karto qalbiga gacalisadaas:

Waxa aad tahay jacaylka noloshayda.

Marna kuma guuldaraysatid in aad i cajabiso, maalin walba waxa jira wax cusub oo iga dhigaya in aan ku sii jeclaado in ka badan intii markii hore aan ku jeclaa.

Mararka qaad Indhahayga ayaa ka masayra qalbigayga sababta oo ah mar walba waxa aad ku dhawdahay qalbigayga xitaa hadii aad ka fogtahay indhahayga.

Hadii aan hal awood u lahaan lahaa nolosha in aan ku siiyo, waxa aan ku siin lahaa awooda aad ku arki karto qalbigayga si aad u qirato sida aad qaaliga iigu tahay.

Hadii aan qabtay wax fiican noloshayda waxa ay ahayd markii aan qalbigayga adiga ku siiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*