Noocyada Jacaylka, Iska ilaali 4-tan Nooc Ee Ka Mid Ah Jacaylka.

Jacaylku waa mid ka mid ah dhaqanka Bani Aadamka waana dhaqan iska caadi ah oo cadayn u ah dareenka laba qof oo is danaynaya.

Jacaylka ayaa ah rabitaanka in aad farxad galiso qofka aad jecelhayay xitaa hadii aad naftaada ka horaysiinayso qofka aad jeceshahay adiga oo doonaya in aad aragto isaga oo faraxsan.

Jacaylka ayaa caadi ahaan ah mid ficil ama dhaqan ah laakiin aan ahayn hadal sida ay aaminsanyihiin dad badan oo wiilal iyo gabdho ah.

Jacaylka ayaa ah mid ku abuuran qofka tan ilaa markii uu dashay kaas oo u dhexeeya Ilmo iyo hooyadiis iyo waliba waalidka, diintiisa, dalkiisa iyo waliba waxyaabo kale.

jacaylka ayaa sidoo kale leh qaar kale sida jacaylka uu qofku u qabo naftiisa, jacaylka uu qofku u qabo balanta, daacadnimada iyo waliba sharafta.

Jacaylka ayaa qofka la socda min dhalashadiisa ilaa maalinta uu ka dhimanayo laakiin maanta waxa aan halkan kaga hadli doonaa noocyo khaas ah oo jacaylka ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 4 nooc oo jacaylka ah kaas oo walib ay tahay in aad iska ilaaliso:

1.Naf U Hurid Xad Dhaaf Ah:

Dad badan oo wax jecel ayaa sameeya naft Hurid xad dhaaf ah oo waliba bilaa xuduud ah iyaga oo u samaynaya magaca jacal iyo waliba jacay dartiis kuwaas oo ka tagaya wixii Aas-Aasiga u ahaa nolosha waliba ka tagaya rabitaankiisa iyo qorshayaashiisa nolosha sidoo kale ka tagay waxyaabaha uu Aaminsan yahay kaas oo waxaas oo dhan u samaynaya jacayl uu jecelyahay qofka kale.

Laakiin qofka waxaas oo Naf hurid ah loo sameeyay ayaa dooni doona waxyaabo kale isaga oo aan ka dhargayn waxa uu u sameeyay qofka uu jecelyahay isaga oo adeegsanaya magaca jacayl sidaas darteed isaga tag ama ka fogow jacaylka noocaas ah.

2.Isku Dheeli Tirnaan La,aanta Labada Is Jecel:

Waxa lagama maar-maan ah in labada qof oo is jecel isku dheeli tiran yihiin dhan walba sida in ay jirto isku dheelitirnaan dhanka dhaqaalaha, isku dheeli tirnaan dhanka nolosha caadiga ah, isku dheeli tirnaan dhanka cilmiga ah iyo waliba isku dheeli tirnaan dhanka il baxnimada ah.

Arintaas ayaa ka hor tagi doonta dhibaatooyin weyn oo ka dhex dhaca labada qof ee is jecel iyada oo isku dheeli tirnaannta dhan walba ka hor tagi doonto in mid ka mid ah labada qof ee is jecel dareemo in uu ka sareeya ama ka hooseeyo midka kale.

3.Jacaylka Indha La,aanta Ah:

Waa khaladka ay ku dhacaan dhalin yarada ragga iyo dumarkuba taas oo ah in wiilka ama Gabadhu iska indha tiraan dabeecadaha iyo waliba xumaanta midka kale iyaga oo kaliya arka uu mid jecelyahay midka kale wax walba oo uu yahay iyaga oo aan dan ka lahayn xumaanta ama dhibaatada midka kale kaliyana eegnaya jacaylkiisa kaas oo mustaqbalka noqda mid aan muddo dheer sii jirin.

4.Ka Bad-Badinta Kool-Koolinta:

Waa ceeb kale oo uu ku dhoco qofka wax jecel kaas oo ah in uuna waxba ka diidin qofka uu jecelyahay wax walbana u sameeyo si uu uga farxiyo mar walba xitaa hadii ay waxa uu u samaynayo dhibaato ku tahay naftiisa laakiin arintaas ayuuna samayn qof aan dan kaa lahayn mooyaane kaliyna doonaya farxadiisa laakiin adiga aan dan iyo muraad toona kaa lahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*