Talooyin jacayl Oo Cajiib Ah, Qalbigaaga Ayaa Ruxmaya Hadii Aad Akhrido

Jacaylku waa eray qof walba oo uuna doonayn in uu ka fogaado, jacaylka ayaa ah waxa ugu quruxda badan Nolosha.

Laakiin Jacaylka ayaa la odhan karaa waa nolosha dhamaanteed waana arin badasha adduunka waliba waa kalmado cajiib ah.

Hadaba waxa aan halkan kuuugu soo gudbinaynaa talooyin jacaylka ku saabsan.

♥: Ha Ka Shalayn Jacayl Aad Ku Noolaatay xitaa hadii xasuustiisu Dhaawacayso Qalbiga, Hadii Ubuxu qalalo oo uu lumiyo Udugiisa waliba ayna ka hadhin kaliya qoryo, ha iloobin in uu ku siiyay Udug fiican oo kaa farxiyay.

♥:Qof Aad horay u jeclayd haka xidhan Albaabka waxa laga yaabaa in Qadarku idiin qoray in aad maalin kale kulantaan waliba dib u soo laabto wixii idinka go,ay hadii wakhtigii fiicnaa ee aad soo wada qaadateen dhamaaday ayaa og waxa laga yaabaa in uu wakhti kale oo fiican idin sugayo.

♥: Hadii aad maalin go,aansato in aad ka tagto qof aad jeceshahay marna hakaga tagin dhaawac qofkii Nasiiyay Qalbigiisa inaga Istaahilo in aan ku dhufano waran.

♥: Hadii uu wakhtigu Idin kala kexeeyo qof aad jeclayd marna qofkaas hakaga hadlin wax fiican mooyaane sababta oo ah waxa uu ku siiyay qalbigiisa adna waxa aad siisay nolol mana jirto wax ka fiican qalbi iyo Nolol marka laga hadlayo Nolosha Aadamaha.

♥: Hadii aad maalin kaligaa fadhiisato iskuna daydo in aad uruuriso wixii fiicnaa ee aad kula soo noolayd qof aad jeclayd meel iska dhig dareenkii Xanuunka badnaa ee idin kala kexeeyay laakiin isku day in aad uruuriso kalmadihii fiicnaa iyo wixii fiicnaa ee aad wada qaadateen iyo kalmadihii fiicnaa ee aad ka tidhi.

♥: Hadii Maalin lagu waydiiyo qofkii aad jeclayd, si hoose oo sir ah ha u sheegin hana isku dayin in aad xumayso sumcada iyo sawirkiisa fiican sababta oo ah qofkaas waxa uu ku siiyay qalbigiisa waxana uu kuu sheegay dhamaan sirtiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*