U Gaar Ah Dumarka: Calaamadaha Aad Ku Garan Karto In Gacaliyaagu Kula Khiyaamayo Gabadh Kale.

Gabadhyahay ma ka shaki qabtaa in gacaliyahaagu ku khiyaamayo waliba gabadh kale ku jirto noloshiisa waxa jirta calaamado badan oo aad ku ogaan karto in uu gacaliyahaagu gabadh kale kugu garab wado.

Waxa aan Halkan kuugu soo bandhigi doonaa dhawr calaamad oo aad ku ogaan karto in uu gacaliyahaagu Gabadh kale kula khiyaamayo.

1.In Uu Badalo Caadooyinkiisa Dhanka Telefoonka:

Hadii uu si lama filaan ah u badalo caadooyinkii aad horay ugu taqananay ee dhanka Telefoonkiisa oo uu in badan isha ku hayo ama uu mar walba isku dhawaynayo waliba ku garab fadhiyo isaga oo aan wax sheeko ah kula soo hadal qaadayn waliba si gaar ah u ilaalinayo Telefoonkiisa waxa ay kuu muujinaysaa in uu cid ka sugayo waliba qalbiga ku hayo gabadh kale.

2.In Uu Shaqada Ka Soo Laabto Wakhti Dambe:

Hadii gacaliyahaagu caado u lahaa in uu wakhti hore ku soo laabto Guriga waliba wakhti kula qaato laakiin ay arintaas si lama filaan ah isku badasho oo uu ka dambeeyo wakhtigii uu guriga iman jiray waxa ay cadayn u tahay in uu la kulamyo gabadh kale adiga oo aan ogayn waliba uu kuu abuurayo arimo aan jirin marka aad waydiiso waxa ku dhacay.

3.In Uu Badalo Caadadiisa Dhanka Qubayska (Maydhashada):

Hadii uu Gacaliyahaagu si lama filaan ah u badalo caadadii uu u lahaa dhanka Qubayska waliba qubaysanyo wakhtiyo qabow ah oo uuna jirin kulayl laga maydho marka uu ka yimaado shaqada waliba si deg-deg ah u soo qubaysto isaga oo aan xitaa kula hadlin waxa ay cadayn u tahay in uu iska tirayo cadayn gabadh uu la soo kulmay hadii ay noqoto cadarkeeda ama waxyaabo kale oo aad ku garan karto.

4.In Uuna Dan Ka Lahaan Waliba Yareeyo In Uu Guto Waajibaadka Aad Ku Leedahay Ee Sariirta:

Sida Caadiga ah labada qof ee is qaba waxa ay isku leeyihiin waajib uu illaahay baneeyay laakiin hadii aad aragto Gacaliyahaaga oo aan arintaas gudanayn waliba aan wax dan ah ka lahayn quruxdaada ka hor inta aydan seexan waxa ay kuu muujinaysaa in ay gabadh kale ku jirto qalbigiisa.

5.In Uu Si Aad Ah U Daneeyo quruxda Labiskiisa iyo Jidhkiisa:

Hadii gacaliyahaagu si lama filaan ah u laba jibaaro danaynta jidhkiisa iyo Labiskiisa waxa ay cadayn cad u tahay in uu jiro qof kale oo uu isku dayayo in uu qanciyo

6.In Uu Kaa Garab Koco Marka Uu Telefoonkiisu Dhoco:

Hadii uu Gacaliyahaagu isla markiiba la boodo Telefoonada ku soo dhaca xitaa marka aad isla Hurudaan waxa ay cadayn u tahay in uu jiro wax uu adiga kaa qarinayo oo waliba khiyaamo ah lana xidhiidho Gabadh kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*