U Gaar Ah Dumarka: Calaamado Kuu Sheegaya In Gacaliyahaagu Yahay Mid Cajiib Ah

Sida inta badan dhacda waxa laga yaabaa in aynu dareeno jacayl xoogan laakiin aynu awood u yeelan wayno in aynu cabrino ama u sheegno qofka aan dareenkaas u hayno.

Hadaba Hadii ay gabadh yahay adagtahay in aad ogaato dareenka qofka ku jecel waxa aan halkan kuugu soo gudbin doonaa calaamado jidheed oo kuu muujinaya jacaylka uu ku qabo gacaliyahaagu.

1.Waxa uu garanayaa waxa kuu muhiimsan adiga:

Waxa uu gacaliyahaagu si fudud ku ogaan karaa waxa adiga kuu muhiim ah inkasta oo aanad afka uga sheegin waxana uu mar walba kugu garab istaagayaa waxa aad doonaysaa.

2.Marna iskuma dayi doono in uu ku badalo:

Waxa aad isku daydaa in aad lahaato dabeecada kuu khaaska ah hadii aad wakhti adag ama wakhti fiican marayso laakiin marna iskuma dayi doono in uu ku badalo ama uu wax cusub kugu qasbo in aad samayso.

3.In Uuna Hadal U Baahnayn Si uu kuu Fahmo:

Hadii uuna gacaliyahaagu wax hadal ah u baahnayn in uu ku fahmo waxa ay la macno tahay in uu si dhab ah kuu jeceyahay maadama uu mar horeba garanayo waxa aad ka fikirayso.

4.In Aanad Gabi ahaan jarto xidhiidhadaadii hore:

Hadii aad gabi ahaan jarto xidhiidhadiihore iyo saaxiibadii hore waliba kaligiis ku khaas ahaato gacaliyahaada waxa ay kuu muujinaysaa in uu yahay qofka kaliya ee noloshaada ku jirta.

5.In Aad Si Waali Ah Ugu Kaloontahay:

Hadii aad siiso kalsooni xoogan oo aanad walba ka qarin ama aanad ka shakiyin waxa ay kuu muujinaysaa jacaylka gacaliyahaagu kuu qabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*