U Gaar Ah Ragga: 7 Wado Oo Aad Ku Ogaan Karto In Ay Gacalisadaadu Si Dhab Ah Kuu Jeceshahay.

Marka ay gabadhu jeceshahay Nin waxa ay si weyn u taageertaa ninka riyadeeda iyada oo wax walba u samaynaysa isaga iyada oo aan ku arki karin wax fiican mooyaane iyada oo xitaa aan arki doonin khaladkiisa iyada oo ku jecel wax walba xitaa xumaantiisa.

Dumarka ayaa leh wado gaar ah marka ay qof jecelyihiin mana ahan kaliya waxa ay afka ka sheegaan laakiin sida ay u dhaqmaan hadii ay Afka kaaga sheegto “Waan ku Jecelahay” taas ayaa ah Astaan laakiin hadii aanad hadalkeeda ku qanacsanayn waxa jirata Astaamo kale oo aad ku ogaan karto in ay si dhab ah kuu jeceshahay.

Hadaba Caashaqa.com oo ah caawiyaha lamaanaha is jecel ayaa halkan kuugu soo gudbin doona dhawr wado oo aad ku ogaan karto in ay gacalisadaadu si dhab ah kuu jeceshahaya adiga oo aan xitaa waydiin.

1.Jeceshahay Waliba Ixtiraam & Qadarin u Hayso Qoyskaaga:

Hadii ay gacalisadaadu si weyn u Ixtiraamto waliba qadariso hadal fiicana ka sheegto qoyskaaga waa Cadayn ah in ay si dhab ah kuu jeceshahay gaar ahaan Waalidkaaga, gaar ahaan Hooyadaa taas oo mar walba Aaminsan in uuna jirin qof ka fiican wiilkeeda.

2.In Ay Nafteeda Kuu Hurto, Waliba Danteeda Ka Horaysiiso Taada:

In Wax u dan ah adiga dartaa u dhaafto si ay adiga kuu qanciso ama kuu raali galiso sidoo kale waa cadayn aad u weyn oo kuu muujinaysa jacalka ay kuu qabto gacalisadaadu.

3.In Ay Kuu Sheegto Waxyaabo Ay Ayna Jeclayn In Ay Cid Kale Ka Ogaato Nafteeda:

Hadii ay kuu sheegto waxyaabo nafteed ku saabsan oo ay ka qarisay dadka kale sida qaar ka mid ah qoyskeeda iyo waliba Saaxiibadeed waxa ay sidoo kuu sheegaysa in ay gacalisadaadu si dhab ah oo hagar la,aan ah kuu jeceshahay sababta oo ah waxa dumarka lagu yaqaanaa sir iyo waliba in ayna ceebteeda iyo dabeecadeeda xun ka hadlin inta badan.

4.In Ay Hinaasto “masayrto” Marka Aad Ka Hadasho Dumarka Kale:

Gabadha Sida Dhabta ah kuu jecel ma doonayso in ay Afkaaga ka maqasho in ay dumar kale kaa fiicanyihiin waana calaamad kuu muujinaysa jacaylkeeda dhabta ah.

5.In Ay Riyaada Run Ka Dhigto:

In ay adiga dartaa isku qurxiso waliba xidhato dharkeeda ugu qurxoon si ay kuu raali galiso waliba kuu muujiso in ay tahay qofka kaliya ee doonaya in uu arko quruxdeeda waa calaamad aad u weyn oo kuu muujinaysa jacalka ay kuu qabto.

6.Waxa Ay Danaynaysaa Waxa Aad Ka Aaminsantahay iyada:

Hadii ay gacalisadaadu si weyn u danayso waxa aad ka aaminsantahay qurxdeeda waliba samayso waxyaabo aanad ka filayn si ay kuu farxad galiso waxa ay kuu muujinaysaa in ay ku jecesahay.

7.In Ay Noqoto Qofka Ugu Horeeya Ee Aad Wax Walba La Wadaagto:

Hadii ay gacalisadaadu noqoto qof aad la wadaagto wax walba hadii uu yahay wax fiican, wax xun, farxad iyo murugo waxa ay kuu muujinaysaa kalsooniada uu qalbigaagu ku qabo iyo jacaylka ay kuu qabto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*