U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Dooran Gartaa Gabadha Saxda Ah, 4-tan Wado Raac

Bilaabista Xidhiidh aad la bilaabayso gabadh ayaa ah mid aad go,aan weyn ka qaadanayso qalbiga laakiin waa mid sidoo kale kuu furaya Albaabo badan oo xiiso leh sabab la xidhiidha dareen aad la wadaagi doonto gacalisadaada iyo waliba xidhiidhka aad la yeelanayso.

Si kasta ha ahaatee wax walba oo xiiso iyo dareen fiican leh waxa ka horeeya doorashada gabadha saxda ah ee aad doonayso in aad la wadaagto noloshaada.

Hadaba waxa aan idinka caawin doonaa idiina soo bandhigi doonaa 5 wado oo aad raaci karto marka aad doonayso in aad doorato boqorada Noloshaada.

1.Raadinta Dabeecad Wanaagsan:

Talaabada ugu horeaysa ee ay tahay in aad qaado ayaa ah in aad raadiso gabadh leh dabeecad wanaagsan oo kula dhaqmi karta waliba si hagar la,aan ah kuula wadaagi karta mustaqbalkaaga.

Gabadha aad dooranayso waa in ay noqoto mid noloshaad ku soo kordhinaysa wax fiican oo ay ugu horayso farxad labadiina idinka dhexayn karta.

2.Dooro Gabadh Jecel Nafteeda:

Sida aan ognahay waxa la yidhaahdaa” Ma jeclaan kartid qof kale hadii aanad marka hore Naftaada jeclay” sidaas darteed waxa aad doorataa gabadh jecel nafteeda waliba danaynaysa caafimaadkeeda iyo muuqaalkeeda guul iyada oo ay taasi ka caawinayso in ay gabadhaas tahay mid dareenkeedu daganyahay waliba tahay gabadh lala wadaagi karo jacayl iyo xidhiidh.

3.Muhiimada Saar In Aad Gabadha Ku Doorato In Ay Tahay Mid Qadarisa Dareenka Jacaylka Sidoo Kale Meesha Ha Ka Saarin In Aad Ku Doorato Soo Jiidashada Jidhkeeda:

Hadii aanad gacalisadaada la ahayn xidhiidh jacayl oo dhan ah wax muhiim ah ma lahan qurxdeedu, xidhiidhka idinka dhexayn doona ayaa noqon doona mid aan faa,iido lahayn muddo dheerna socon doonin sidaas darteed marka hore gabadha waa in aad ku doorato in ay tahay mid qadarin u haysa jacaylka kadib waxa aad qiimayn kartaa quruxdeeda jidh ahaan.

4.Dooro Gabadh Leh Dabeecan Kaftan:

Qosolka ayaa ka mid ah qayb muhiim ah oo xidhiidhka ah, in aad gacalisadaada la wadaagto qosol waa midka ugu fiican ee lagu dhisi karo xidhiidh adag oo muddo dheer jiri kara sidaas darteed waxa aad isku daydaa in badha aad doonayso in aad xidhiidh la wadaagto tahay qof kaftan leh.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*