Arimaha La Yaabkal Leh Ee Ay Raggu Ku Jeclaadaan Dumarka

Inta badan dumarka ayaan wax fikrad ah ka haysan arimaha ay Raggu jecelyihiin waxana ay is waydiiyaan sidii ay isugu dayi lahaayeen in ay Nin soo jiitaan.

Waxana ka mid ah arimo la yaab leh oo ay Raggu ku jecelyihiin dumar waliba kaga helaan iyaga oo aan wax aqoon ah u lahayn.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa arimaha la yaabka leh ee ay Raggu ku jeclaadaan dumarka.

1.Eegista Indhaha Ninka:

Waxa ay Raggu jecelyihiin gabadha si toos ah indheheeda u saarta indhihiisa arintaas ayaa Ragga ula dhiganta wax weyn waxana ay ku keentaa in uu si gaar ah ula socdo talaabada xigta ee gabadha.

2.In Ayna Gabadhu Marsan Make-Up:

Ragga ayaa inta badan jecel quruxda dabiiciga ah ee gabadha waxana ay jecelyihiin in ay arkaan gabadha oo aan wajigeeda Quruxin.

3.Gabadha Maskaxda Badan:

Ragga ayaa jecel dumarka maskaxda Badan taas oo waliba la socota hadal walba oo uu ku yidhaahdo si ay ugu jawaabto mid la mid ah.

4.Gabadha Xasuusta Fiican:

Ragga ayaa aad u jecel gabadha Xasuusta badan ee qalbiga ku haysa maalintii ay is jeclaadeen gacaliyeheeda iyo maalintii ay isla Aqal galeen ama sidoo kale xauusata sida urta cadarkiisa taas oo keenta in uu ninku si waali ah u jeclaado gabadhaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*