Faa,iidooyinka Ay Dumarku Ka Helaan Kulanka Sariirta.

Kulanka Sariirta ayaa faa,iido weyn u leh dumar taas oo ah mid aan halkan lagu soo koobi karin sida in ay gabadha ka caawiso in ay hesho farxad iyo waliba in ay meesha ka saarto is badalada ku yimaada dabeecada gabadha.

Waxa ay sidoo kale ka hor tagtaa qaar ka mid ah xanuunada sida Wadne istaaga, garaaca xoogan ee qalbiga iyo waliba in ay xoojiso dareemista gabadha ee amaanka iyo yaraynta wal-walka.

Faa,iidooyinka Kulanka Sariirta Ee Dumarka:

Ka Taqalusida Wal-Walka:

Faa,iidooyinka guud ee Kulanka sariirta gaar ahaan dumarka aya ah in ay ka saarto wal-walka Iyo walaaca dheeraad ah iyada oo ay daraasad la sameeyay muujisay in kulanka sariirtu dumarka ka caawiso in ay ka dhinto cadaadiska badan sidoo kale ka yarayso wal-walka badan iyada oo sidoo kale daawo u ah xanuuno kale oo nafsi ah oo ku dhaca dumarka sida baqdinta iyo wax la mid ah.

In Ay Kor U Qaado Xoojinta Difaaca Jidhka:

Mar walba oo uu kulanka sariirtu yahay mid ku dhaca si caafimaad qaba ama fiican waxa ay kor u qaadaysaa difaaca jidha gabadha waxana la helay daraasad lagu ogaaday in hadii labada qof ee is qaba sariirta ku kulmaan todobaadkii hal mar ama laba mar in ay kor u qaado difaaca jidhka taas oo ka caawisa in uu jidhkoodu la dagaalamo xanuunada Virus-ka ah.

Waxa Ay Gabadha Ka Caawisa In ayna Si Saa,id Ah U Naaxin:

Daraadas la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kulanka sariirta ee qaata saacad badhkeed in labada qof ee is qaba ay ka gubayso ku dhawaad 85% Baruurta ku jirta Jidhkooda.

Kulanka Sariirtu Waxa Uu Xoojiyaa Qalbiga (Wadnaha).

Daraasad la sameeyay 20 sano ka hor ayaa muujisay waliba sanadihii ugu dambeeyay la helay cadaymo taas oo ah in labada qof ee sida joogtada ah ugu kulma sariirta in ayna ku dhicin xanuunada ku dhaca wadanaha sida wadnaha oo istaaga ama garaaca xoogan ee wadanaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*