Kalmadaha Ay Mar Walba Jeceshahay In Ay Gacalisadaadu Ka Maqasho Afkaaga

Gabadh walba waxa cajabiya ama ay jecelyihiin in ay wiilka ay jeceshahay ka maqlaan kalmado ka soo baxa Afkiisa waliba uu Ugu dhawaanayo gacalisadiisa mar walba oo uu hadaladaas ku yidhaahadana waxa ay u sii qaadaan jacayl aad u weyn.

Hadaba waxa aan Maanta Halkan Ku Soo Bandhigi doonaa Kalmadaha ay Gabdhuhu jecelyihiin in ay ka maqnaal gacaliyohooda:

Waa Qurux Badantahay:

Mar walba Amaan quruxda Gacalisadaasa, gabadhuhu waxa ay jecelyihiin Ragga u sheega in ay qurux badan tahay mar walbana waxa ay dareemaysaa in ay qurux badantahay marka ay ku garab joogto.

Waan Ku Jecelahay:

Dareenka jacaylka ayay adagtahay in la qariyo sidaas darteed u sheeg in aad jeceshahay waxana ay arintaas xidhiidhka idinka dhexeeya ka dhigaysaa mid aad u adag.

Waan Kaa Cabsadaa:

Ma jirto dareen ka qurux badan in ay gabadhu dareento in uu gacaliyeheedu ka cabsado waxa ay arintaas muujinaysaa inta uu leegyahay jacaylka uu u qabo.

Waxa Aan Dareemayaa In An Mustaqbal Isku Leenahay:

Kalsoonida waxa raaca jacaylka iyo is fahamka in aad ku kalsoonaato gacalisadaadana waliba aad doonayso in aan mustaqbal la wadaagto waa arinta ugu fiican ee ay gabadhu jeceshahay in ay maqasho.

Waan Kaa Helay:

Kalmadan ayay jeceshahay gabadh walba in ay maqasho waxana laga yaabaa in ay tahay wakhtiga ugu fiican ee ay gacalisadaadu ka maqasho afkaaga taas oo dareenkiina sii kordhinaysa siina xoojinaysa jacaylkiina.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*