Waa Maxay Masayrku (Hinaase), Nooca Masayrka, Sababaha Keenta Masayr-ka & Qaabka Aad U Daawayn Karto.

Waa Maxay Masayrku?

Masayrka ayaa ah dareen baqdin lumis ah, Cadho badhdilidah oo uu qof kale ka qabo qof 3-aad in uu soo galo xidhiidh ka dhexeeya laba qof taas oo saamayn ku yeelata dhamaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka sida laba qof oo jacayl ka dhexeeyo, xidhiidh saaxiibtinimo, xidhiidh qoys sida laba walaal oo ku tartamaya wax gaar ah.

Inkasta oo uu Masayrku yahay dareen xanuun badan hadana waa mid muhiim ah oo lagama maarmaan ah oo ay waliba tahay mid aan la xakamayn.

Waxa xusid mudan in Masayrku aad uga duwan yahay xaasidnimada ama Xasadka, Masayrka ayaa ku dhisan cabsi uu qofka wax jecel ka qabo qof kale oo soo kala dhex galay isaga iyo jacaylkiisa.

Halka Xasadka ama Xaasidimadu tahay mid ka dhex dhacda 2 qof oo uu midba midka kale doonayo in uu ka qaato waxa uu qofka kale haysto.

Noocyada Masayrka:

1.Masayrka Indhaha La,:

Masayrka indha la,aanta ah ayaa ah marka uu qofku ula socdo qofka uu jecelyahay si indha la,aan ah waliba ka daba shaqeeyo lana socdo talaabo walba oo uu qaado taas oo la macno ah in uuna gabi ahaan ku kalsoonayn qofka uu jecelyahay.

2.Masayrka Jacaylka:

Masayrka jacaylka ayaa ah midka ugu caansan ee masayryada waana mid ka dhex dhaca laba qof oo is jecel taas oo keenta khilaaf aad u weyn oo uu sabab u yahay dareenka xoogan ee qalbiga labada qof.

Daraasad la sameeyay ayaa sheegtay in masayrku yahay dareen Cabsi ama diciifnimo uu qofku galo marka uu xidhiidh sameeyo ama uu qof jeclaado taas oo ah dareenka casbsi uu u qabo xidhiidhkiisa.

3.Masayrka Saaxiibada:

Masayrka ka dhex dhaca saaxiibada ayaa ah mid uu qof ka cabsqi qabo in uu waayo saaxiibkiisa sabab la xidhiidha qof 3-aad oo soo dhex galay labada qof.

Sababaha Keena Masayrka:

1.Baqdin sabab la,aan ah

2.Hadii uu qof horay u khiyaamo qof uu jecelyahay waxa uu ka wal-walayaa in ay mar kale dhacdo.

3.Dareemista Amaan la,aan ah oo ku saabsan in uu qof waayo qof uu jecelyahay ama uu ka Dib dhoco balantooda.

4.Dareen xoogan oo jira kuna saabsan wax khatar ku ah xidhiidh.

Qaabka Loo Daawayn karo Masayrka:

1.Wadooyinka ugu muhiimsan ee lagu daawayn karo Masayrka ayaa ah Kaslooni buuxda oo dhex marta labada qof ee is jecel iyo in ay fiicneeyaan xidhiidhkooda si ay noloshoodu ugu socoto si dagan.

2.Ka Fogaanta wax walba oo sabab u noqon kara masayrka qofka kale ku dhici kara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*