Fariimo Jacayl Oo Aad U Diri Karto Qofka Aad Jeceshahay.

Dadka Is jecel ayaa Jacaylkooda ku soo bandhiga Kalmado taas oo ay ku muujiyaan jacaylka ay u qabaan qofka kale waana arinta cajiibka ka dhigta soo bandhigista jacaylka.

Hadaba waxa aan halkan kuugu soo bandhigi doonaa kalmado jacayl ah oo aad ku shukaamin karto dareenkagana ugu muujin karto qofka aad jeceshahay.

  • Maalintayga & Habeenkaygu way qurux badan yihiin marka aad agtayda joogto.
  • Waxa aan dareemayaa faraxad aad u weyn tan ilaa markii aan kula kulmay waliba ku jeclaaday, waxa aad tahay jacaylka noloshayda iyo Riyadii sanado.
  • Waxa aad tahay xanuunka qalbigaysa, waxana aad tahay dawada kaliya ee aan hayo.
  • Indhahaagu waa wax walba oo aanan si nabad ah uga Gudbi karin.
  • Dhulka Dayax kama soo boxo midka kaliya ee ka soo baxana waa diga waanan ku jecelahay.
  • Waxa i dhaafa maalmaha waxana aan sugaa hadalkaaga, waxa i dhaafa maalmaha waxana aan sugaa aragaaga, waxa i dhaafa sanado walina waan ku jecelahay.
  • Waxa laga yaaabaa in uu qof iska iibiyo waxa uu soo iibsaday laakiin qof-na ma iibiyo qalbi uu jeclaaday.
  • Galiye/Gacaliso marka aan seexdo waxa aan ku riyoodaa aniga oo ku arkaya, laakin xaqiiqda marka aan soo tooso waxa aan rajeeyaa in aan mar kale kugu arko riyada.
  • Qalbiga ugu fiican waa qalbigaaga, Hadalka ugu fiicana waa hadalkaaga wxa ugu fiican noloshaydana waa jacaylkaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*