Fariin Jacayl Oo Qurux Badan

Dad badan oo is jecel ayaa jecel in ay dhagaystaan Ereyada Quruxda badan ee jacaylka ee ay ka maqlayaan Afka qofka ay jecelyihiin si ay u waydaarsadaan dareen qurux badan taas oo kor u qaada awooda xidhiidhkooda.

Hadaba waxa aan halkan hoose ku soo bandhigaynaa Ereyada ugu quruxda badan ee ku saabsan jacaylka si aad ugu dirto qofka aad jeceshahay:

  • Jacaylka ayaan kuu qabo wuu soo kordhayaa Il bidhiqsi walba.
  • Qalbigaygu waa waxa iigu qiimaha badan wuuna iiga qiima badan yahay Dahabka, laakiin adiga ayaan ku siinayaa sababta oo ah waad u qalantaa.
  • Waxa aan kugu qaadi karaa qalbigayga waliba meel khaas ah oo adiga kaliya laguugu tala galay.
  • Subax-wanaagsan gacaliso, Cad-Ceedu way soo baxaysaa laakiin wax macno ah iima lahan sababta oo ah maalintaydu waxa ay bilaabmaysaa marka aad fariin iigu soo jawaabto.
  • Marna ha iga tagin, gacaliso/Gacaliye Waxa aan ogahay adiga la,aantaa in aanan dib u soo garan doonin Guriga sababta oo ah dhamaan riyadaday ayaad iiga dhigtaa mid Run ah.
  • Waxa aan xidhay indhayga sababta oo ah waxa laga yaabaa in aan arko wajigaaga, waxa aan xidhay Dhagahayga sababta oo ah waxa laga yaabaa in aan codkaaga maqlo laakiin marna ma xidhayo qalbigayga sababta oo ah waan ku jecelahay.
  • Miyaan horay kuugu sheegay in aan ka masayro qof walba marka uu kula joogo? sababta oo ah marka ay kula joogaan waxa ay gacanta ku hayan adduunkayga oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*