Kalmado Qalbi Xanuun Ah Oo Ku Saabsan Jacaylka

Inkasta oo uu jacaylku leeyahay qurux waliba si weyn u saameeyo Nolosheena laakiin mararka qaar waa mid U Xanuun badan sida Dabka oo kale waxana uu ku reebaa qofka wal-wal iyo walbahaar.

Hadaba waxa aan halkan kuugu soo bandhigaynaa Kalmado xanuun badan oo ku saabsan jacaylka ama qof wax jeclaaday oo aan heli jacaylkiisa.

  • Waxa adag in aad jeclaato qof aan ku jeclayn.. waxana ka sii adag in aad sii wado jacaylkiisa inkasta oo uuna ku dareemayn.
  • Hadii aad aragto yeey jartay Ubax kadib dhulka ku tuurtay, hala yaabin sababta oo ah waxa jira dadka qaar inta ay jaraan qalbiga qofka jecel waliba si naxariis daro iyo daren la,aan ah u tuura.
  • Waxa xanuun badan in aad hor istaagto Muraayad laakiin aad naftaada garan-waydo, kadib aad cod dheer ku dhawaaqdo laakiin uu codkaagu ku soo gaadhi waayo, in aad dareento dulmi waliba ka caajisto in aad naftaada guul u gaadho waliba iska dhaafto wax walba oo aad u baahantahay jacayl dartiis.
  • Galiye/Gacaliso waad-mahadsantahay sababta oo ah waxa aad igu dhaawacday hadalkaaga ka hor inta aanad iga tagin mar walba oo aan ku xasuusto waxa aan xasuustaa hadalkaaga waanan ku nacaa.
  • Waxa xanuun badan in aad dareento in aad khasaartay shay aanad mar kale dib u soo ceshan Karin
  • Waxa aan dareemayaa Kalinimo.. wax walba oo agtayda jooga waxa aad moodaa in ayna jirin, waxana aad moodaa in maalmuhu dhimasha igu xukumeen.
  • Waxa ugu adag in aad wax walba u lumiso jacayl darteed waxana ka sii adag in ayna jirin cid aad darteed u lumiso.
  • Waxa ugu adag qalbigaaga ku abuurto jacayl laakiin waxa ka adag in ay dadka kale isku dayaan in ay dilaan jacaylkaas.
  • Waxa aan ku siiyay qalbigayga iyo jacaylkayga laakiin waxa aad lumisay wax walba.
  • Waxa adag in aad doorato jacayl laakiin waxa ka sii adag in ayna jirin cid aad doorato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*