Dhibaatada Uu Leeyahay Jacaylka Baraha Bulshada, Iska Ilaali Inta Aad Ku Dhacdo.

Jacaylku waa shucuur muhiim ah oo ay tahay in si fiican loo hubiyo, gaar ahaan marka la eego isku dhafka fikirado kale oo kala duwan waxa jira farxiyo badan oo u dhexeeya jacaylka, Raaxada, Aqbalaada, ka helista waxana laga yaabaa in uu isku khaldo qof walba oo uu ku dhoco gaar ahaan marka laga hadalayo dareen qarsoon oo uu daah ku daboolan yahay Tusaale ahaan Internet-ka iyo baraha bulshada.

Jacaylka baraha bulshada ah mid garan waa ah sababta oo ah lama ogaan karo xaqiiqada ka dambaysa, maxaad baraha bulshada ku aragtay bogag been ah oo aan la ogayn cid leh.

Jacaylka Baraha bulshada waxa dhici kara khalad weyn iyo waliba in ay dhici karto khatar ah in aad jeclaato dadk xun taas oo keenaysa in ay badato in aad ku dhacdo dhibaatooyin jacayl iyo Niyad jab badan.

Jacaylka Baraha Bulshada ayaa leh saamayno xun oo badan sida khiyaamo iyo waliba suurtagalnimo aad u weyn oo ah in uu jacaylka dhexmara Ragga iyo Dumarku yahay mid been ah.

Waxa fiican inta aanad isku dhiibin jacaylka baraha bulshada in aad iska hubiso runtiisa waliba in aad si fiican isku barataan iyo in aydna muddo dheer ka wada xidhiidhin baraha bulshada.

Ugu dambayn Kuwa haatan ku nool jacaylka baraha bulshada waa in ay rumaystaan in ay ku socdaan wado khaldan taas oo keeni karta in ay la kulmaan niyad jabyo badan taas oo ku keenaysa saamayn xun oo uu xitaa ku lumin karo rumaynta jacaylka taas oo ah dhibaato u xun qofka maadama uu u baahanyahay jacayl mustaqbalka dhaw.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*