Maxay Lamaanayaasha Qaar Ugu Fashilmaan Kulanka Sariirta Habeenka Ugu Horaysa Ee Guurkooda?

Qaar ka mid ah Lamaanaha ayaa ku fashilma kulanka Sariirta Habeenka ugu horaysa ee xidhiidhkooda waxana Arintaas ka dambeeya sababo badan waxana jirta sharaxaado badan oo laga sameeyay arintaas dhanka cilmiga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababaha ugu muhiimsan ee keenta Fashilka kulanka sariirta Lamaanaha habeenka ugu horeeya ee guurkooda.

1.Wal-Walka:

Waxa laga yaabaa in lamaanuhu qabaan wal-wal taas oo keenta dhibaato Nafsi ahaan ah sababna u noqota in uu fashilmo kulanka sariirta sidaas darteed waxa fiican in aanu lamaanuhu wax wal-wal ah ka qabin kulanka sariirta waliba fiican in ay labada qof is fahmaan ka hor kulanka sariirta.

2.Macluumaad Khalad ah:

Qaar ka mid ah Ragga ayaa Aaminsan Macluumaad khalad ah taas oo ku saabsan kulanka sariirta ee habeenka ugu horeeya waxana ay Aaminsanyihiin in ay qasab tahay in ay iska dhisaan gaabadha si ayna ceeb u soo raacin laakiin arintaas ayaan ahayn mid sax ah, Xaaskaagu waxa ay noqotay qayb ka mid ah noloshaada sidaas darteed ma fiicna in aad is adkayso waxana sidoo kale fiican in la uruuriyo xog ku saabsan kulanka sariirta ka hor guurka.

3.Xanuun:

Mararka qaar fashilka kulanka sariirta ayaa ka yimaad dhanka xanuun uu labada Lamaane midkood qabo sidaas darteed waxa fiican in aad la kulantaan Dhatar takhasus u leh arinta Galmada si aad arintaas meesha uga saartaan.

4.Xidhiidhka:

Waxa lagam maarmaan ah in uu jiro xidhiidh fiican oo dhexmara labada lamaane marka aad kali isku noqotaan waxa fiican in aad is fahmi kartaas waliba is daryeeli kartaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*