Sidee Ayuu Kulanka Sariirtu Samayn Ugu Yeeshaa Muuqa & Quruxda?

Guurka Fiican ayaa leh Calaamado gaar ah oo kala duwan, Kulanka sariirta ee Nidaamsan ee Fiican ayaana ka mid ah Calaamadahaas taas oo saamayn fiican ku leh Nolosha Guurka Guud ahaan taas oo xoojisa xidhiidhka jacaylka iyo waliba is fahamka lamaanayaasha laakiin marka laga yimaado faa’iidooyinka kulanka sariirta ee u fiican nolosha guurka waxa leedahay Faa’iidooyin kale oo caafimaad iyo waliba dhanka quruxda taas oo lamaanaha ka dhigta kuwo ka da’yar da’dooda dhabta ah sidaas darteed si walba oo aad u mashquulsantihiin waxa fiican in aad ku dadaashaan in ay lamaanayaashu wakhti fiican u sameeyaan kulanka sariirta.

Waxa ay lamaanuhu dareemayaan is badalka fiican ee kulanka sariirta gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo quruxda dabiiciga ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa faa,iidooyinka kulanka sariirta ee lamaanaha:

Faa’iidada Kulanka Sariirta Waxa ay U Fiicantahay Quruxda iyo Caafimaadka:

Marka ay Da’daadu sii weynaato waxa is badal yeelanaya jidhkaaga waxana kaa soo baxaysa calaamadaha da’da laakiin marka aad samayso kulanka sariirta waxa uu jidhkaagu soo saarayaa Hoormono dhawr ah kuwaas oo faa’iido u leh jidhka qofka waliba fiicnaynaysa caafimaadka iyo quruxda iyada sidoo kale kulanka sariirtu leeyahay faa’iidooyinka hoos ku xusan:

  • Dib u dhigista calaamadaha da,da.
  • Xoojinta caafimaadka jidhka iyo waliba in aad dhalan yaro ahaato muddo dheer.
  • Xoojinta difaaca jidhka iyo ka hor tagista Xanuunada kala duwan.
  • Fiicnaynta xaalada nafta iyo waliba ka hor tagista xanuunada isku dhexyaaca.
  • Luminta Miisaanka marka loogo in uu kulanka sariirtu gubo baruurta qofka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*