U Gaar Ah Ragga: Iska Ilaali In Aan Qaabkan Jacaylkaaga Ugu Muujiso Gacalisadaada, Waxa Aad Ku Waayi Kartaa Abid.

Ragga ayaa sameeya khaladaad badan marka uu kacayl ku doco oo uu wax jeclaato waxa ugu horeeya khaladaadkaas, wadada ay jacaylkaas ugu cabiraan gabadha uu jecelyahay taas oo ka hor istaagi karta jacaylka waliba keeni karta in uu waayo Abid gabadhaas.

Shakiga, Masayrku La Socodo:

Ninow waa in aad ogaato in Shakiga iyo Masayrku yahay mid qurux badan oo ay jecelyihiin dumarku laakiin waa inta uu yahay mid dabiici ah oo muujinaya jacaylka, waxana ay cadayn u tahay in jacaylka uu u qabo gacaliyeheedu yahay mid qalbigiisa ku jira laakiin waa in aad ogaatoo masayrka hadii uu la socdo shaki waxa ay doorbidaysaa in ay dhimato halkii uu gacaliyeheedu ka shakin lahaa.

Iska Indhatirka:

Ragga badan ayaa u malaynaya hadii ay iska indha-tiraan gabadha ay jecelyihiin ay ku soo jiidayso gabadha laakiin Rumayntaa ayaa ah mid been ah iska indha-tirka gabadha ayaana keeni kara in ay gabi ahaan kaa jeediso waliba aad ku waydo gabadha.

In Aad Iska Dhigto Mid Diciif ah:

Ninku waa in uu ogaado iska dhiga diciifnimada gabadha uu jecelyahay horteeda in ayna keeni karin in ay sii jeclaato ninka waliba ay Abid ku sii jiri doonto noloshiisa laakiin waxa ay keenaysaa in ay ka fogaato sababta oo ah Dumarku ma jecla Ninka diciidka ah laakiin waxa ay jecelihiin inka awooda iyo Go’aanka leh ee dhaqan kara waliba maamuli kara qoyska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*