U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Aad Abidkaa Boqor Ka Ahaato Qaliba Gacalisadaada, Talooyinkan Muhiimka Ah Raac, Waligaa Kuma Iloobayso.

Ninku Uma Baahna dadaal badan si uu u noqdo qofka ugu dhaw qalbiga gabadha, taas oo uu ku riyoodo waliba doonaya in uu la wadaago Nolosha Abid.

Qalbiga gabadha ayay lagu kasban karaa dadaal aad u yar laakiin waxa muhiim ah in uu dadaalkaas noqdo mid dhab ah kana turjumaya dareen fiican oo dhab ah.

Hadaba Sidee Ayaad Ugu Dhawaan kartaa qalbiga Gacalisadaada?.

1.Waa In Aad Ilaaliso:

Feejignaantu waa calaamad hubaal ah oo muujisa jacaylka iyo waliba fariin jacayl oo ka socoto qofka wax jecel kuna socota qofka la jecelyahay kuna hareeraysantahay dareen walba oo qurux badan Sidaas darteed daryeelka gacalisadaada waxa aad ka dhigtaa muhiimada ugu weyn waxana xaqiiqo ah in ayna waligeed ku iloobi doonin nolosheeda.

2.U Fiicnow Qalbigeeda:

Ragga qaar ayaa iska dhiga kuwo awood leh oo ku ad-adag dhanka dumarka si uu u Helo Ixtiraamkeeda, waxa laga yaabaa in uu arintaas ku guulaysto oo uu helo Ixtiraamkeeda laakiin waxa uu waayayaa jacaylkeeda iyo kalgacalkeeda sidaas darteed Ninku waa in uu gacalisadiisa u noqdo mid qalbi jilicsan, mid fiican sababta oo ah Ragganimadu kuma tagto qalbi jileeca laakiin Ninka Dhabta ah ayaa ah Ninka qadariyo gacalisadiisa iyo waliba Qoyskeeda taas oo keenaysa in uu u dhawaado qalbigeeda.

3.U Noqon Mid Talo Fiican Siiya, Iska Ilaali In Aad Dhaleecayso:

Farqiga ayaa dhexeeya Talada iyo dhaleecaynta, Dumarku waxa ay jecelyihiin in aad muhiimad siiso arimeheeda waxana ay waliba Qadarisaa qofka talooyin siiya waliba garab istaaga laakiin ma jecla Ragga ku dheereeya dhaleecaynteeda xitaa hadii ay khaldantahay.

5.Nin U Noqo Gacalisadaada Laakiin Nin Haku Noqon:

Ragganimadu waxa ay kugu qasbaysaa in aad taageerto gacalisadaada, hadii aad doonayso in aad boqor ka noqoto qalbigeeda U Noqo Nin Jecel, Ixtiraama, qadariya waliba si fiican ula dhaqma laakiin Nin haku noqon hana isku dayin in aad maamusho, u Hanjabto, qalbiga gabadhu waxa uu jeclaadaa Ninka jecel ee daryeela laakiin aan baqdin galin sidoo kale aan qasbin.

5.Isku Day In Aad Farxad Siiso:

Farxada ayaa ah waxa ay gabadh walba ka doonto Ninka la wadaagaya Nolosha ee jecel mana ahan arin aad u adag, kalmad kaliya oo ka soo baxda qalbigaaga waliba ah mid Run ah ayaa farxad galinaysa gabadha waliba xasuusnaan doonto maalinta oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*