U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Waxaa laga yaabaa in waqtiga saxda ahi yahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan geedi socodka galmada, Markaa hadii aad biyo baxdo ka hor Lamaanaha Kulanka sariirta ayaa noqonaya mid aan raali galin labada qof.

Dhibaatada biyo Baxa deg-dega ah ayaa ah mid haysta Inta badan Ragga taas oo ku keenta dhibaato dhanka guurkiisa ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa qaabka looga boxo dhibaatada biyo baxa deg-dega ah.

Waa Maxay Dhibaatada Biyo Baxa Deg-dega Ah:

Ma jiro wakhti u gaar ah biyo Baxa Ragga inta ay ku jiraan kulanka sariirta laakiin waxa laga yaabaa in ay horay u biyo baxaan inta lagu jiro kulanka sariirta in uu biyo boxo ka hor inta uuna gaadhin raaxada kulanka sariirta taas oo keenaysa in uu Ka niyad jabo kulanka sariirta ka hor xaaskiisa.

30% Ragga ayaa ka cabayanaya biyo baxa deg-dega ah sida lagu ogaaday daraasad la soo saaray bishii ugu dambaysay ee sanadkii hore.

1.Ogow Mar Walba in aanad kali ku ahayn dhibaatadan:

Kulanka sariirta ayaa ah mid muhiim iyo jacayl ah waxana shaki la’aan ah in Raggu dareemaan Ceeb marka uu biyo boxo isaga oo aan doonayn taas oo waliba ku keenta in uu sii wadi kari waayo raali galinta gacalisadiisa ama uuna isagu gaadhin raaxada kulanka sariirta.

Laakiin xaqiiqada ayaa ah in ay dhibaatadu tahay Ragga cadhadu ka awood badanayso kulana dhacay Xaaskiisa taas oo dhankeeda dhibaato ku qabta xaalada Ninkeeda taas oo ugu dambayn keenta bur-burka xidhiidhka.

Sidaas darteed iska ilaali in aad markaaba cadhooto sababta oo ah waxa laga yaabaa in ayna xaaskaagu wax dan ah ka lahayn biyo baxaaga deg-dega ah waliba ayna u arkin dhibaato weyn sidaas darteed caawi naftaada iyo xaaskagaba hana niyad jabin marka aad biyo baxdo kulanka ugu horeeya ee sariirta una sheeg in aad jeceshahay laakiin ayna arintu ku jirin gacantaada sidaas darteed way ku fahmi doontaa.

2.Ha Is dhiibin, iskuna day mar kale:

Hadii aad si deg-deg ah u biyo baxdo, ha wal-walin waxa laga yaabaa in aad sii wadato kulanka sariirta adiga oo Haasaawinaya gabadha sidoo kale samaynaya taabashooyin iyo wax la mid ah taas oo mar kale kicinaysa darteenkaaga kaana caawinaysa in aad awood u yeelato in aad mar kale samayso kulanka sariirta taas oo markaas dheerayn karta kulanka sariirta.

3.Adiga Oo Qaadanaya Daawayn:

Daawaynta xaalada kaa haysata kulanka sariirta iyo biyo baxa deg-dega ah ayaa ah wado kale oo aad uga bixi karto dhibaatada adiga oo u tagaya dhakhtar takhasus ku ah xaaladaha ku haysta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*