Wakhtiyada Uu Kulanka Sariirtu Halista Ku Yahay Lamaanah, Iska Ilaali Kulanka Wakhtiyadan.

Kulanka sariirta ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha Lamaanaha Is qaba waana mid ay ka helaan Raaxo iyo waliba Daganaansho waana mid Aas-Aas u ah guurka Xalaasha ah iyo waliba jacaylka iyo daryeelka lamaanaha laakiin waa in ay doortaan wakhti munaasib ah oo aan khatar ku ahayn caafimaadkooda.

Inkasta oo uu kulanka Sariirtu Muhiim iyo lama-maarmaan u yahay lamaanaha hadana waxa jirta wakhtiyo ay khatar ku tahay caafimaadka Ragga iyo dumarka ama midkood.

Hadaba waxa aan halkan kuugu soo bandhi doonaa wakhtiyada ay halista tahay in la sameeyo kulanka sariirta:

Doorashada wakhtiga kulanka sariirta ayaa saamayn weyn ku yeelata Lamaanaha is qaba hadii ay tahay dhanka raaaxaysiga iyo waliba doorar kale oo badan laakiin waxa jira wakhtiyo ay dhibaato caafimaad u keeni karto labada lamaane ama midkood.

1.Kadib Habeenka Arooska:

Waxa fiican in aad kulanka sariirta ka fogaataan 3 ilaa 4 maalin sababta oo ah haabeenka ugu horeeya ee Arooska iyo kulanka sariirta waxa dilaaca Xubin ku taala xubinta taranka dumarka taas oo keenta xanuun badan maadama ay dhaawacmayso booskaas sidaas darteed suurtagal ma ahan in ay gabadhu awood u yeelato kulanka sariirta.

2.Maalmaha Dhiigga caadada Ee Gabadha:

Waxa qasab ah in la joojiyo kulanka sariirta inta uu Dhiigga caadadu ka socdo gabadha sababta oo ah caafimaad ahaan uma fiicna labada lamaane siiba gabadha waxana uu kulanka sariirtu halis galinayaa caafimaadkiina.

3.Wakhtiga Daalka:

Kulanka sariirta ayaa u baahan dadaal aad u badan sidaas darteed samaynta kulanka sariirta adiga oo daalan waxa ay ku keenaysaa qofka dhibaato sidaas darteed waxa fiican in aanad samayn kulanka sariirta hadii aad daalantahay laakiin wakhti yar dib u dhigo kadib hel hurdo yar oo uu jidhkaagu ku dago.

4.Xanuunada ku dhaca Xubinta Taranka:

Hadii Ninka ama gabadh uu ku dhoco xanuun dhanka xubinta taranka ah waxa gabi ahaan la joojinyaa kulanka sariirta ilaa inta uu qofka xanuunka laga helay si buuxda uga caafimaadayo xanuunkaas.

Waxa jira qodobo badan oo ku saabsan arintaan laakiin waxa ugu muhiimsan inta aan soo qaadanay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*