XOG XASAASI AH: 5 Arimood Oo Dila Kulanka Sariirta Lamaanaha.

lamaane badan ayaa ku dhibaatooda kulanka sariirta taas oo keenta dhibaatooyin badan oo dhanka qoyska ah ugu dambayna keenta in lamaanuhu sii wada joogi waayaan sabab la xidhiidha arintaas.

hadaba waxa aan xogtan xasaasiga ah ku soo bandhigi doonaa 5 arimood oo dsha kulanka sariirta lamaanaha is qaba

1.Hurdo La’aan:

Hurdada ayaan ahayn mid dheer ama Mid gaaban laakiin waa tayada hurdada aad hesho, hadii aanad helin Hurdo fiican oo kugu filan oo raaxo leh habeenkii sababo kala duwan awgeed waxa ay taasi keenaysa in aad dareento daaal aad u badan.

Arintaas ayaa ugu horaysa sababaha dila kulanka sariirta maadama kulanka sariirta loo baahan yahay shaqo aad u badan daalka ayaana disha arinta kulanka sariirta.

2.Dhibaatada Guurka:

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhibaatada joogtada ah ee ka dhex dhacda lamaana ay ka mid tahay arimaha dila kulanka sariirta iyada oo dhibaatooyinka ka dhex dhaca lamaanuhu ay keento in ayna labada lamaane wax xiiso ah u hayn in ay sameeyaan wax xidhiidh ah oo dhanka sariirta ah.

3.Kalsooni La’aanta Qaabka Jidhka:

hadii uuna labada lamaane midkood kalsooni ku qabin jidhka waxa ay sabab u noqonaysaa dhibaato ka dhecda kulanka sariirta maadama ayna raaxo ku dareemayn jidhkooda waliba ay ka maqan tahay kalsoonidu waana arin keeni karta in ay lamaanuhu ka fogaadaan ku kulanka sariirta.

4.Qaadashada Daawooyinka:

Waxa laga yaabaa in aad la yaabto laakiin daawooyinka sida daawada dhiig-karka iyo waliba daawooyin xanuunka tira & waliba qaar kale ayaa sabab u noqda in ay lamaanuhu lumiyaan xiisaha kulanka sariirta maadama ay ku jiraan waxyaabo saamayn ku yeelato lamaanaha.

5.Caruurta:

marka ay lamaanuhu helaan caruur waxa ay la macno tahay soo jeedis badan iyo waliba madax-xanuun badan taas oo ay sabab u tahay ka fikirka dhaqaalaha iyo sida ay noqon doonta noloshoodu kadib marka ay caruurtu ku soo biiraan halka ay sidoo kale lamaanuhu waayayaan wakhti ay sameeyaan kulanka sariirta sabab la xidhiidha caruurta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*