4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Necebyihiin, Ninka Balanta Badan Ayaa Ka Mid Ah.

Waxa la sheegaa in ay Raggu ka yimaadeen Adduun sidoo kale Dumarku ka yimaadeen Adduun kale sidaa darteedna suuragal maahan in midba midka kale had iyo jeer

Hadaba Waxa Aan Halkan kusoo bandhigi doonaa 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Necebyihiin Dumarku, Waa run in gabadh walba leedahay dookheeda iyo dhadhamadeeda sidaas darteed hal dookh laguma soo koobi karo Dumarka oo dhan Laakiin xaqiiqdii dumarka intiisa badani waxay doorbidaan inay ka fogaadaan 4 nooc oo ragga ah:

1.Ninka Faanka Badan:

Dumarka ayaa Neceb Ninka mar walba ka hadla Naftiisa iyo guulihiisa marka uu la joogo, Ogow Ninow hadii aad talaabadan qaado marka aad la joogto gabadh waxa ay keenaysaa in ay kaa fogaato mar walba.

2.Ninka Bakhaylka Ah:

Hadii aad gabadh siiso Hadiyado jaban Munaasibadaha u khaaska ah, waxa aad samaynaysaa khalad weyn sababta oo ah Dumarku ma jecla Ninka bakhaylka ah.

3.Ninka Xaasidka Ah:

Dumarka ayaa neceb Ninka ka xaasida guulaha ay gaadho ama aan qirin guusha ay gaadhay gabadhu kana xaasida in uu u sacabiyo marka ay gaadho wax uu isagu gaahdi waayay.

4.Ninka Balanta Badan Ee Aan Ka Soo Bixin”

Gabadha ayaa shaki la’aan Neceb Ninka balanta badan ee si joogto ah wax ugu balan qaada laakiin aan u oofin balantaas marka uu u qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*