Fariimo Jacayl Oo Cajiib Ah Oo Aad Ku Dagi Karto Qalbiga Qofka Aad Jeceshahay, Waa Fariimo Qalbiga Ka Soo Go’ay.

Jacaylku waa dareen, marxalad, hami, doonid, xaalad iyo rabitaan qof u qaado ama hayo Qof Kale, Sidoo kale Jacaylka ayaa ah Qadarin, Sharfid, Xushmayn iyo Ixtirmaan Qoto dheer oo uu qof u hayo qof kale.

Jacaylka ayaa u baahan in la cabiro loona soo bandhigo qofka kale waxana aan halkan ku soo bandhigaynaa 19 Kalmad oo aad u soo bandhigi karto gacalisadaada ama Gacaliyahaaga.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kalmado cajiib ah oo dhex qaadi kara qalbiga qofka aad u dirto iyada oo fariintan uu Wiilku u diri karo gacalisadiisa sidoo kale gabadhu u diri karto gacaliyeheeda.

  • Waxa aad Tahay Qalbigii Ugu Horeeyay Ee Aan Jeclaado, Waxana aad Noqon Qalbigii Uga Dambeeya Ee Aan Jeclaan Doono.
  • Maalintayda & Habeenkaygu Waa Kuwo Qurux Badan Marka Aad I Garab Joogto.
  • Waxa aan dareemayaa Farxad Weyn Tan ilaa markii Aan Kula Kulmay Waliba Ku Jeclaaday waxa Aad Tahay Jacaylka Noloshayda Iyo Riyadayda.
  • Galiye/Gacaliso Marka Aan Hurdo Waxa Aan ku Riyoodaa Aniga Oo Ku Arkay, Xaqiiqda aya ah marka Aan Tooso Waxa aan Rajeeyaa In Aan Mar Kale Kugu Arko Riyada.
  • Waxa Kugu Filan In Uu Ku Jeclaado Qalbi Kaliya Si Aad U Noolaato, Hadii Ay Dad Badan Ku Jecelyihiin waan ka mid ahay, hadii uu qof kaliya ku jecelyahay qofkaas Waa Aniga, hadii ayna Cidna Ku Jeclayn waxa aad Ogaataa In Aan Dhintay.
  • Qof Waxa Uu Iska Iibin karaa Wax Uu Soo Iibsaday Laakiin Ma Iibin Karo Qalbi Uu Jeclaaday.
  • Adigu Waxa Aad Tahay Xanuunka Qalbigayga Sidoo Kale Waxa Aad Tahay Dawada Kaliya Ee Daawayn Karta.
  • Marka aan keli ahay,waxaan ku fikiraa inaan ku dhaho ama kuu sheego waxyaabo badan balse markaan helo fursad aan kuugu sheego,Afkeyga ayaaba juuqda gaba’.
  • Waxaa dhici karta in aadan horteyda ka muuqan,laakiin kama maqnid qalbigeyga.
  • Meel dheer ayaad jiri kartaa basle niyaddeyda ayaa ku wehlisa.
  • Mar waliba waxaad nafteyda u tahay qof gaar ah.
  • Masaafada noo dhaxeyso ma baddeli karto sida aan kuu dareemo.
  • I aamin,waxaan oggahay in Jaceylkeenna uu waari doono weligiis.
  • Mar kasta oo aan ku tebo Xiddig ayaa ka soo dhaca Cirka.
  • Waxaad u qurrux badan tahay sida cirka oo habeen jooga.
  • Indhahaagu waxay u iftiimayaan sida Xiddigaha sare.
  • Dhoola-caddeyntaadu waa sida Dayaxa oo kale.
  • Dadka dunida jooga waxay ku arki karaan inaad tahay hal qof laakiin aniga waxaad ii tahay dunida oo dhan.

6 Comments

  1. Runtii saaxiib aad iyo aad ayaad umahad santahay waxaan kuu ahay taageerahaaga 1aad hore usoco ee guulayso runtii aniga iyo jacel kayga waxaad tahay qofka kaqeeb qaatay isķu soodhowaan shaheena maalin waliba thnks

  2. aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sxb waxaad inoo soo gudbisay wax farxadeena iyo dhismaha nolosheena ka qeyb qaata mahdsanid sxb

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*