Hadii Aad 4-tan Calaamad Isku Aragtaan Xidhiidhkiina Waa Mid Bir Ah Oo Aan La Loodin Kairn.

Inta lagu jiro Nolosha guurka waxa dhici karta dhibaatooyin ka dhex-dhaca lamaanaha taas oo keeni karta in uu bur-buro oo waliba uu sii socon waayo kuna dambeeyo in ay labada qof kala tagaan.

Laakiin adayga xidhiidhka ka dhexeeya labada qof ee is qaba ayaa ka hor istaagi karta dhibaato wax walbaiyo khilaaf walba oo soo dhex gala labada qof ee is qaban.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa calaamadaha Muhiimka ah ee lagu ogaan karo in uu adagyahay xidhiidhka labada qof ka dhexeeya.

Waxa jirta calaamado badan oo muujinaya in xidhiidhka labada qof ka dhexeeya adagyahay waxana aan halkan ku soo bandhigi doonaa 4-ta ugu mihiimsan.

1.Awooda Ay Ku Xalin Karaan Dhibaatooyinka:

Marka ay labada qof ee is qaba si fiican u xaliyaan dhibaatooyinka ay soo wajahaan waxa ay calaamad muhiim ah u tagay in uu xidhiidhka labadaas qof yahay mid adag oo waliba dagan.

2.Ka Hor Taga Caajiska Guurka:

Caajiska guurka ayaa ah cadawga ugu weyn ee Lamaanaha is qaba sababta oo ah waxa ay dhibaato ku keenaysaa xidhiidhkooda sidaas darteed hadii wiilka iyo gaabadha is qaba si fiican uga hor tagaan arintaas waxa ay calaamad xoogan u tahay in uu xidhiidhkoodu yahay mid aan la soo kala dhex gali karin oo adag.

3.In Ay Wada-Xidhiidhaan Wakhtiga Adag:

Ka Go’naanshaha labada qof ee is qaba ee ah in ay wada-xidhiidhaan xitaa hadii uuna wakhti jirin sababo la xidhiidha shaqooyinka iyo Duruufaha kale waxa ay muujinaysaa adayga xidhiidhka ka dhexeeya labada qof sababta oo ama jacaylkooda ayaa ah mid muhiim u ah wax walba oo dhaca.

4.Cafinta & Raali Noqoshada:

Marka uu adagyahay xidhiidhka labada qof ee is qaba waxa mar walba jiraya Is Cafin ay isku samaynayaan labada qof si walba oo ay isugu khaldamaan waxana uu midba midka kale ka cafinayaa khaladkii uu ka galay iyaga oo aan wax kale eegayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*