Sababaha Ay Dumarku U Jecelaadaan Ragga Ka Da’da Weyn

Waxa aan inta badan aragnaa gabadh aad u da’yar oo ka helaysa Ninka ka Da’weyn iyada oo waliba aad u doonta aadna u jeclaata waxana laga yaabaa in aad in badan is waydiiso waa maxay waxa ay dumarka da’da yar ku arkeen Ragga ka da’da weyn uguna jeclaadaan.

Hadaba waxa Maxay Sababta ama sirta ka dambaysa in ay gabadh da’yar jeclaato Nin ka da’weyn:

Ninka d’da weyn ayaa leh waxyaabo iyo tayo ay gabadhku ugu dhawaanayso taas oo keenaysa in ay si aad ah u jeclaato una soo jiidato.

Hadaba halkan kaga bogo 4 sabab oo ay Dumarka da’da yar ku jecelaadaan Ragga ka Da’da weyn.

1.Dhanka Jacaylka:

Ninka Ka Da’da weyn gabadha ayaa si fiican ula dhaqmaya waxana uu fahamayaa waxa ay gabadhu u baahantahay iyo waliba sida loola dhaqmo taas oo keenaysa in ay gabadha yar jeclaato Ninka ka da’da weyn.

Sidoo kale gabadha ayaa aaminsan in Nin ka da’weyn kaliya fahmayo marka laga hadlo dhanka jacaylka maadama uu khibrad fiican u leeyahay sidaas darteed uu arimaha jacaylka kaga fiican yahay qarkeed.

2.In Uu Ku Kalsoonyahay Naftiisa:

Ninka Gabadha ka da’da weyn ayaa ah mid ku kalsoon naftiisa maadama uu horay u soo qaaday masuuliyado kala duwan taas oo siinaysa kalsooni weyn taas oo ku soo jiidaysa gabadha da’da yar.

3.Gabadhu Waxa Ay Agtiisa Ku Dareemaysaa Aamaan:

Arintan ayaa laga yaabaa in ay tahay mida ugu muhiimsan ee ay gabadha da’da yar ku jeclaato Nin ka da’weyn marka loo eego in uuna jirin Nin da’yar oo ay Gabadh Amaan ku garab dareemi karto.

Inta badan dhalinta haatan Naftooda ayay siin laayihiin Amaan sidaas darteed waxa ay Gabadha yar doorbidaysaa Ninka ka da’da weyn.

4.In Ay Ku Dayato:

Marar badan marka ay gabadhu ku korto Aabo La’aan hadii ay arintaas sabab u tahay in uuna Aabeheed Noolayn markii ay koraysay ama ay Hooyadeed raacday kadib markii ay kala tageen labada waalid waxa ay Gabdhu raadisaa in ay hesho dareenka Aabo taas oo keenta in ay Raadiso Nin ka da’weyn si ay ugu dayato laakiin wiil iyada la Da’ ah waxba kama baranayso kumana dayan karto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*