U Gaar Ah Ragga: Ma Tahay Nin Xishood Badan, Man Doonaysaa In Aad Xidhiidh La Samayso Gabadh, Waxa Aan Kuu Haynaa 9 Tallo Oo Muhiim Ah Oo Ku Caawinaya, Waa Kuwo Cajiib Ah.

In Aad Hesho Gabadh Khaas ah waa mid taxadi adag u ah qof walba, gaar ahaan marka laga hadlayo Ragga Xishoodka badan kuwaas oo aan garanayn si looga hor tago Naxdinta marka ay gabadh la kulmayaan.

Waxa jira Ragga qaar Naftooda ku kalsoon laakiin waxa jira kuwo ka soo hor jeeda kuwaas oo ay ku adagtahay in ay la xidhiidhaan dadka kale waxana uu xaalku ku sii xumaadaa marka ay bilaab xidhiidh jacayl.

Hadii aad ka mid tahay Ragga Xishoodka badan ama aad garanayso qof aan qaadi karin talaabada ugu horaysa ee ah in uu sameeyo xidhiidh jacayl waxa aan halkan kuugu soo bandhigi doonaa talaabooyin kaa caawain kara arintaas.

1.Baro Naftaada:

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay in aad samayso ayaa ah in aad barato Naftaada ka hor inta aanad bilaabin xidhiidh, adiga oo ka bilaabaya su’aalaha kala ah: Waa maxay waxyaabaha aad jeceshahay & Waxyaabaha Aanad Naftaada ka garanayn? Waa maxay waxyaabaha aad raaxada ku dareemayso? Waa Maxay xadkaagu?.

Waa in aad barato waxyaabahan oo dhan si aad diyaar ugu noqoto in aad ka jawaabto marka aad gabadh xidhiidh la samayso halka ay sidoo kale in aad diyaar tahay ay keenayso in aad ka baxdo naxdinta iyo Xishoodka.

2.Ahow Mid Kalsooni Qaba:

Arintan ayaa laga yaabaa in ayna ahayn mid fudud laakiin waa in aad isku daydo in aad naftaada ku kalsoonaato, Kalsoonidu ma ahan bakhaylinimo ma ahan in aad ku faanto waxyaabaha aad gaadhay ama dadnimada si aad u muujiso kalsoonidaada.

Kalsoonida dhabta ah waa in aad ku kalsoonaato naftaada waliba aad qaban karto waxyaabaha qaar waliba aad naftaada ku kalsoontahay.

3.Ha Is Bar-Bar Dhigin Ragga Kale:

Waxa aad noqonaysaa qof Cabsanaya sidoo kale Jaha-wareersan hadii aad bilowdo in aad is bar-bar dhigto Ragga kale tusaale ahaa: Ka waran hadii uu Ninka Kale kaa caansan yahay? Ma ahan in aad u ekaato Dadka kale ama aan ka Xumaato in aanad la mid ahayn, Ka Mahadceli waxa aad haysato dadka kalena way ku farxi doonaan waxa aad haysato.

4.Qaad Talaabada Ugu Horysa:

Hadii aad muddo dheer sugaysay in aad jacayl samayso, waxa la gaadhay markii aad qaadi lahayd talaabadii ugu horaysay, marka aad aragto gabadh aad ka heshay, ha sugin in ay adiga kuu timaado laakiin adigu qaad talaabada ugu horaysa, hadii aad ka cabsanayso in aad la hadhasho, dhoola-cadayn ayaa kaaga filan, ku bilow Gacan haadin, dhoola-cadayn ama talaabo yar oo fudud ay gabadhu kugu dareento, waxa laga yaabaa in aad wakhti kale hesho kalsooni aad kula hadasho gabadha.

5.Ilaali Naftaada:

Ragg Badan ayaa inta badan iska indha-tira ilaalinta jidhkooda, ha iloobin mar walba oo aad gabadh isku soo bandhigto kaliya ma qiimayn doonaan wajigaaga laakiin waxa ay qiimayndoonaan jidhkaaga oo dhan, Ma jirto Gabadh doonaysa in ay wax la Cunto Nin xidhan Dhar Aan Nadiif ahayn ama aan guud ahaan Nadiif ahayn?, miyaad u malaynaysaa in ay gabadh kula hadli doonto hadii aanad muddo dheer maydhan? jawaabtu waa maya sidaas darteed ilaali Naftaada.

6.Horumari luuqada Jidhkaaga:

Isku Eeg muraayad oo Baadh Naftaada. ma u muuqataa qof ay gabadh la hadli karto? isku day in aad badiso dhoola-cadaynta si aanad xishood u dareemin marka aad gabadha hor istaagto, Isku day in aanad mar walba indhahaaga ku hayn dhulka, isku day in aad si toos ah gabadha indhaha uga eegto taasi waxa ay keenaysaa in aad hesho kalsooni naftaada ah waxa intaas sii dheer in marka aad la hadlayso gabadha in aad si toos ah indhaha uga eegto waxa laga yaabaa in ay Gabadhu garato in aad naftaada ku kalsoontahay iyo in kale kaliya marka ay indhahaaga aragto.

7.Isku Day In Aad Balamo baxdo wakhtiyada qaar:

Ragga Qaar ayaa rumaysan in ayna u baahnayn in ay helaan jacaylka laakiin uu jacaylku iyaga soo heli doono laakiin hadii aanad bixin oo aanad dad cusub baran oo aad kaliya gurigaaga ku jirto mar walba sidee laguu soo helayaa? waana sababta ay tahay in aad marar badan la kulanto dad cusub, ka qayb gal xafladaha, shirarka si aad u samaysato saaxiibo cusub hana ka cabsan in aad isku daydo waxyaabo cusub.

8.Raadi Oo Baro Dad Kula Wadaaga Arintaad:

Waxa aad dareemi doontaa raaxo iyo Kalsooni marka aad hesho dadk kula Aragti ah sidaas darteed raadi dadkaas iskuna day in aad wakhti badan la qaadato si aad wax uga barato.

9.Samirka Badi:

Hadii aad u malaynayso in ay adagtahay in aad hesho gabadh aad nolosha la wadaagto, waxa aan kuu haynaa war, Adiga kuguma koobna arintaas waxa jira dad badan oo raadinaya qof ay nolosha la wadaagaan ama sugaya gabadha ku haboon sidaas darteed ha niyad jabin rajadana ha lumin, marna ha iska dhiibin hadii ay gabadh ku diido ama ay dhoolacadayn kuugu jawaabi doonto, isku day mar kale sababta oo ah qofka adiga ku raadinaya waxa uu isku dayayaa mar kale waana in aad isku daydo ilaa inta aad is helaysaan qofkii aad is lahaydeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*