U Gaar Ah Ragga: Qaab Cajiib Ah Oo Aad U Raali Galina Kartid Gacalisadaada Hadii Aad Isku Dhacdaan.

Waxa uu khilaaf ka dhex dhici karaa laba qof oo is jecel oo aan wali Si Rasmi ah nolosha u wada-wadaagin ama laba qof oo is qaba waan arin ka dhacda nolosha Aadamaha.

Khilaafka Lamaanaha ayaa ah mid ka mid ah arimo ka dhaca nolosha waxana dhici karta in uu Ninku khalad ka galo Gacalisadiida taas oo keeni karta khilaafka.

Laakiin Khilaaf walba waxa fiican in la daba qabto inta uuna xumaan gaadhin hadaba waxa aan Ninow halkan ku soo bandhigi doonaa dhawr wado oo aad gacalisadaada ku raali galin kartid kadib marka aad khalad ka gasho.

1.In Aad U Keento Ubax Qurux badan:

Ninka ayaa gacalisadiisa ku raali galin kara in uu u keeno Ubax qurux badan iyo waliba in uu ubaxa u raaciyo fariin uu ku raali galinayo taas oo keenaysa in ay gabadhu ku faraxdo iskana ilowdo wixii dhacay.

2.In Aad Casho U Kaxayso:

Arintan ayaa ah wado kale oo aad ku raali galin karto gacalisadaada adiga u qaadaya casho waliba aad ka dhigayso mid ay jeceshahay waana mid keeni karta in ay gabadhu ku cafiso.

3.Hadiyad Fiican:

Ninka ayaa gacalisadiisa ku raali galin kara in uu u keeno hadiyad fiican isaga oo hadiyadaas u dooraya baahida gacalisadiida waana mid keenaysa in ay ku cafiso.

4.In Aad Safar U Qaado:

Qodobkan ayaa ku xidhan awoodaada hadii aad heli karto fasax iyo waliba maal aad ku qaado waxa fiican in aad gacalsidaada u qaado safar yar oo aad wakhti kaligiin ah ku soo qaadataan taasna waxa ay qalbigeeda ku abuuraysaa xasuus cusub waxana ay noqonaysaa wado aad ku waydiisan karto cafin.

5.In Aad U Iibiso Waxyaabo Ay Isku Qurxiso:

Dumarka ayaa inta badan jecel wax walba oo soo saaraya quruxdeeda sidaas darteed waxa ay jecelyihiin waxyaabaha la isku quruxiyo waxana aad u iibi kartaa waxyaabahaas si aad u raali galiso gacalisadaada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*