3 Cabitaan Oo Saamayn Xun Ku Yeesha Awoodaada Kulanka Sariirta, Isku Day In Aad Iska Yarayso.

In kasta oo ay jiraan cunnooyin iyo cabbitaanno kor u qaada Awooda Kulanka Sariirta ee Ragga & Dumarka sidoo kale meesha ka saaray dhibaatada ay dareemaan lamaanuhu ee kulanka sariirta, sidoo kale waxa jira Cabitaanka si joogto ah loo cabo taas oo saamayn ku yeelan karta Caafimaadka Kulanka Sariirta Ragga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 4 Cabitaan oo marka muddo si joogto ah loo cabo saamayn xun ku yeelata waxqabadka Ragga Ee Kulanka Sariirta.

1.Cabitaannada Fudud:

Soodhaha laga helo qaar ka mid ah Cabitaanka Fudud waxa ay si xun u saamaysaa Caafimaadka Kulanka Sariirta ee Ragga iyada oo daraasad lagu ogaaday in Ragga maalintii Caba hal Litir oo Cabitaanka Soodhaha leh in ay ku dhibaatoodaan kulanka sariirta marka loo bar-bar dhigo Ragga aan sida joogtada ah u cabin Cabitaanka soodhaha leh.

2.Qaxwada:

Isticmaalka xad dhaafka ah ee Qaxwada ayaa yaraysa shaqaynta Hoormoonka loo yaqaano phytoestrogen kaas oo masuul ka ah soo saarista rabitaanka Kulanka sariirta.

3.shaaha macaanka Badan:

Inkasta oo uu shaaha Macaanka Badan leeyahay faa’iidooyin badan hadana waxa la helay cadayn sheegaysa in hadii la iska badiyo waliba si joogto ah maalintii loo cabo in uu waxyeelaynayo caafimaadka kulanka sariirta Ragga iyo Dumarkaba isaga oo hoos u dhiga wax qabadka Hoormoonka “Testosterone” kaas oo masuul ka In uu Ninku xiiso u helo samaynta kulanka sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*