U Gaar Ah Lamaanaha: Laba Caado Oo Bur-Burisa Kulanka Sariirta Lamaanaha, Iska Ilaali

Dad badan oo ka tirsan Ragga & dumarka ayaa leh caado xun oo bur-buriso noloshooda kulanka sariirta iyaga oo aan ogayn in waxa ay samaynayaan saamayn ku yeelanayso kulankooda sariirta.

Sidaas darteed Akhristaha sharafta lohow waxa aan halkan kuugu soo bandhi doonaa laba caado oo ay sameeyaan dadka soomalidu taas oo saamayn xun ku yeelata kulanka sariirta lamaanaha laakiin ayna wax aqoon ah u lahayn in ay bur-burinayso noloshooda kulanka sariirta.

1.Sigaar cabid:

Waxa iska cad in Sigaar Cabistu waxyeelayso caafimaadka guud ee jidhka, maxaad u malaynayasaa hadii aan kuu sheegno in Sigaar cabistu sidoo kale keento curudo badan oo la xidhiidh kulanka sariirta?.

Sigaar cabiddu waxay leedahay saameyn badan oo badan oo jirka iyo caafimaadka ah oo ay ku jiraan cudurada galmada kuwaas oo carqaladeeya awooda dabiiciga ah ee kulanka sariirta sidaas darteed Ragg badan oo caba sigaarka ayaa dareema dhibaato kulanka sariirta ah isaga oo ay sidoo kale dhibaato ku qabto xaaskiisu.

Sidaas darteed Ninow isku day in aad iska dayso cabista sigaarka cabsita si aad u fiicnayso noloshaada kulanka sariirta.

2.Cabis La’aanta Biyo Badan:

Dad badan ayaa dabeecad u leh in ayna cabin biyo maalintii taas oo keenta in uu jidhkoodu qalalo sidoo kale uu qalalo xubinta taranka dumarka sidoo kale uu kor u koco “kolesteroolka” dhiiga ku jira.

Inta lagu jiro kulanka sariirta dumarka aan biyaha badan cabin ayaa la kulma xanuun dhanka hubinta tartanka ah taas oo keenta in ayna ku raaxaysan kulanka sariirta kuna keenta xanuun badan iyo waliba dhibaato.

Sidaas darteed waa in ay Dumarku badiyaan cabista biyaha maalin kasta iyaga oo ay ka caawinayso in ay ku raaxaystaan kulanka sariirta marka ay ku jiraan sidoo kale waxa ay biyuhu u fiicanyihiin caafimaad ahaan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*