U Gaar Ah Ragga: Hubka Ay Dumarku Ku Soo Jiitaan Ragga Oo La Ogaaday, Hadii Aad Isticmaasho Shaki La’aan In Uu Gacaliyahaagu Kaa Daba Dhareerin Doono.

Dumarka ayaa mar walba isku daya in ay ahaadaan kuwo cusub oo soo jiita qalbiga iyo indhaha Odaygeeda waxana la ogaaday hubka qarsoodiga ah ee ay dumarku ku soo jiitaan Ragga.

Cilmi baadhis la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ay dumarku leeyihiin Hubab badan oo ay u istcimaali karaan in ay ku soo jiitaan Ragga.

Waxana ay cilmi baadhistu Ogaatay in ay timihu yihiin Hubka ugu muhiisam ee ka mid ah hubabka ay Dumarku ku soo jiitaan Ragga.

Cilmi baadhista ayaa sheegtay in marka ay Gabadhu Timeheeda sii dayso waliba ay gaadhaan garabkeeda ay si waali ah u soo jiidato Ragga.

Marka ay Gabadhu Soo Maydhato si qurux badan Timeheeda u feedho waliba Isku shubto cadarkeeda ugu Gudgoon marka ay joogto gurigeeda iskuna diyaariso In uu Gacaliyeheedu shaqada ka imanayo marka uu yimaado waxa shaki la’aan ah in uu u qaadayo xaaskiisa jacayl ka badan midkii hore.

Sidoo kale kabaha leh cidhibta dhaadheer ayaa ka mid ah Hubabka ay Dumarku ku soo jiitaan Ragga waana mid ay Raggu si weyn uga helaan marka ay Gabdhuhu xidhanyihiin kabo dhaadheer.

Waxa intaas sii dheer in cadarku ka mid ah yahay Hubabka ay Dumarku ku soo jiitaan Ragga taas oo keenta in ay gabadhu dagto qalbigiisa.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*