U Gaar Ah Ragga: Wakhtiga Ugu Fiican Ee Uu Ninku Samayn Karo Kulanka Sariirta

Sida laga soo xigtay Daraasad subaxnimada ayaa ah wakhtiga ugu fiican ee Ragga kulanka Sariirta iyada oo wakhtigaas tahay mid ay kor u kacsantahay rabitaanka kulanka sariirta sidoo kale uu Ninku si fiican u samayn karo galamada.

Isla Daraasada ayaa lagu ogaaday in ay Raggu subaxnimada leeyihiin awood wax soo saaran iyada oo ay fiicantahay shahwadoodu subanimada gaar ahaan 6 subaxnimo ilaa 7 subaxnimo.

Daraasada ayay ka qayb qaateen in ka badan 12 kun oo Nin kuwaas oo wakhtiga kulanka sariirta u badalay subaxnimada kadib markii ay habeenkii awood u waayeen waliba ku dhibaatoodeen in ay qanciyaan xaaskooda.

Waxa laga yaabaa in Raggu habeenkii gurigooda yimaadaan iyaga oo daalan kuna soo daalay shaqadii ay ku maqnaayeen taas oo keenta in ayna wax xiiso weyn ah u hayn kulanka sariirta.

Laakiin Subaxnimada ayaa ah wakhti uu jidhka ninku yahay mid fir-fircoon waliba qaban kara shaqo fiican dhanka kulanka sariirta kana soo bixi kara waajibaadka xaaskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*