Arinta Ugu Muhiimsan Ee Aas-Aaska U Ah Guurka, Waa Mid Kaa Caawinaya In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka

Runta ayaa Ah Aas-Aaska Ugu Muhiimsan ee Nolosha Guurka waana arin guul ku hogaamisa guurka lamaanaha is qaba waana mid xoojisa xidhiidhka labada qof ee lamaanaha ah.

Runta ayaa ah mid dhista waliba adkaysa xidhiidhka lamaanaha is qaba waana mid dajisa nolosha lamaanaha kuna hogaamisa in ay uu guurkoodu jiro muddo aad u dheer.

Midhaha Runta ee Lamaanaha is qaba:

1.Xoojinta xidhiidhka labada qof:

Midhaha ugu muhiimsan ee runta ee lamaanaha is qaba ayaa ah in ay xoojiso xidhiidhka ka dhexeeya labada qof taas oo keenta in ay yarayso dhibaatooyinka ka dhex dhaca labada qof ee is qaba.

2.Dareemista Amaan:

Labada qof ee is qaba ee mar walba runta isku sheega oo aan waxba kala qarsan waxa ay keentaa in ay isku dareemaan Amaan iyo waliba kalsooni ay labada qof isku qabaan.

3.Ixtiraam:

Ixtiraam-ka ayaa ah Natiijo soo baxda waliba leh saamayn weyn oo xidhiidhka lamaanaha ah sidaas darteed Runta ayaa keenta Ixtiraam iyo qadarin ka dhex dhacda labada qof.

4.Wada Jooga muddo dheer:

Runta ayaa keenta in ay labada qof muddo dheer wadaagaan Nolosha waliba keento in ay si fiican ugu dagaan noloshooda guurka waana mid muhiim u ah in ay helaan nolol wada jir ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*